Cali Xaaji oo weerar culus ku qaaday DENI – “Ma dhici karto in isagoo Xamar jooga…

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha maamulkaasi Mudane Saciid Deni oo haatan u sharraxan xilka u sarreeya madaxweynaha ee afarta sano ee soo socota.

Cali Xaaji ayaa ku eedeeyey Saciid Deni inuu danihiisa shaqsiyeed ka door-biday Puntland, isla-markaana uu sidii uu doonayey kaliya u maamushay, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirkii hore ee waxbarashada ayaa soo bandhigay eedaha culus ee ku taagan maamulka Saciid Deni, sida dagaalkii Boosaaso iyo sidii uu musuq-maasuqay doorashooyinkii dhacay.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday inuu xildhibaano ka safay rag muhiim u ahaa dowladnimada Puntland oo isugu jiro wasiiro, guddoomiyeyaal iyo agaasimeyaal.

“Madaxweyne Deni waxa uu Puntland uga tagayaa eedo kala duwan sida dagaalka Boosaaso, dhaawaca Doorashada, Dadka labeynta ah oo uu soo xushay & muranka daba-taagan sida uu u maamulay Doorashooyinka maadaama sida uu doonno uu u maamushay, waxa uu soo xushay Wasiiro, Xildhibaanno, Guddoomiye Gobol & Agaasimayaal Amniga ka shaqeynayay, Taliyeyaal & saraakiil” ayuu yiri wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in tani ay saameyn doonto hay’adaha kala duwan ee dowladda, ayna keeneyso in xubnaha cusub ay la qabsan waayaan shaqadii socotay.

“Madaxweynaha waxaa la socda miisaan badan oo ah Wasiiradii Puntland oo weliba hay’adaha xasaasiga ah gacanta ku haya oo xitaa Wasiirkii maanta yimaada 3 sano ama 4 sano aan la qabsan Karin ama u fahmi Karin Beesha Caalamka, Guddoomiye Gobol ayaa kamid ah, Agaasimayaal Amniga ka shaqeeya, Taliyeyaal & saraakiil ciidan, waqtiga yar waa in uu ku xaliyaa tabashooyinka ka dhashay Doorashada uu maamulay” ayuu raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyey in madaxweynuhu awooda maamulka uu ku wareejiyo ku xigeenkiisa, si aysan Puntland saameyn ugu yeelan tartanka uu galayo Saciid Deni.

“Waa in uu Madaxweynaha sameeyaa wareejin Maamul, maka hadlaayi wuu is casilaa iyo isma casilaayo, waa in uu maamulku sii wadaa ku xigeenkiisa, ma dhici karto in isaga oo Xamar jooga Doorashadiisana maamula Puntlandna maamula” ayuu yiri markale Cali Xaaji.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya, iyada oo 20-kii bishan Maarso 2022-ka uu si rasmi ah musharaxnimadiisa Villa Soomaaliya ugu dhowaaqay madaxweynaha maamulka Puntland.