Nuur Iidow oo go’aan lama filaan ah ka qaatay kursiga HOP58 iyo Sanbaloolshe oo…

Beledweyne ( Caasimada Online) – Xildhibaan Nuur Iidow Beyle ayaa shaaciyey go’aan lama filaan ah, isaga oo ku dhowaaqay inuu isaga haray u tartamida kursiga Hop#058 ee uu horey ugu fadhiyey, kaas oo ay deegaan doorashadiisu tahay magaalada Beledweyne.

Nuur Iidow oo soo saaray qoraal kooban ayaa ku sheegay inuu ka tanaasulay musharaxnimadiisa kursigaasi oo maanta doorashadiisa la qabanayo.

“Anigoo ah xildhiban Noor Iidow Beyle waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo tartanka doorasho ee HOP58 ee 2022-2026 oo dhici doonta inshallah maalmaha soo socda,” ayuu yiri xildhibaanka oo qoraal kooban soo saaray.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ballan qaaday inuu la shaqeyn doono cida kusoo baxda doorashada kursigaasi oo ka mid ah kuwa sida aadka ah isha loogu haayo doorashadooda.

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyey dadka uu metalo iyo guud ahaan Soomaalida garab istaagtay intii uu ka tirsanaa baarlamaanka.

“Waxaa sharaf ii aheyd in aan ku matalo uguna shaqeeyo guud ahaan somaliya gaar ahaan bulsha weynta ku nool gobolka hiiraan oo ahaa degaan doorashadeyda, Sidoo kale waxaan balan qaadayaa in aan la shaqeyn doono cid kasta oo ku soo baxda kursigaas. Mahadsanidiin” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Go’aanka uu qaatay Xildhibaan Nuur Iidow Beyle ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan la shaaciyey guddiyada soo xulaya ergada kursiga Hop#058  iyada oo lasoo saaray odayaashii saxda ah ee beesha, waxaana la sheegay inuu isagu doonayey in loo xiro kursiga, isaga oo garab ka helaya Yuusuf Dabageed & kooxda Villa Soomaaliya walow haatan laga adkaaday.

Arrintan ayaa sidoo kale caddeyneysa inuu guusha uu usii dhowaanayo agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo haatan ka mid ah musharixiinta ugu cad cad kursigaasi.

HirShabelle ayaa dadajineysa doorashada Golaha Shacabka, maadaama lasoo dhaafay xilligii lagu ballamay in lasoo gabagabeeyo oo aheyd 15-kii bishan March ee 2022-ka.