Xog: Sheekh Shariif oo ku wajahan Jowhar + Ujeedka

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo laga dareemayo soo dhoweyntiisa.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in saacadaha soo socda uu Sheekh Shariif tegi doono gudaha magaaladaasi oo ay ka socoto qaban qaabada doorashada HirShablle.

Sidoo kale ilo wareedyo muhiim ah ayaa inoo sheegay inuu madaxweynihii hore ee Soomaaliya ka qeyb-geli doono dhismaha dowlad goboleedka HirShabelle, gaar ahaan arrimaha soo xulista baarlamaanka labaad ee maamulkaas oo dood xoogan ay ka taagan tahay.

Shariif ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda HirShabelle ee ku sugan Jowhar iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

HirShabelle oo muddo fog wajaheysay dhibaatooyin adag ayaa hadda ku jirta marxalad kala guur ah, iyada oo lagu muransan yahay qabsoomida doorashooyinka maamulkaasi.

Si kastaba, safarka Sheekh Shariif ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyey uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimad Kenya oo uu ka waday kulamo siyaasadeed.