Xog: Sidee ku timid raali-gelintii uu Xasan Cali Kheyre xalay siiyey CC Shakuur?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo hadda ah musharax madaxweyne ayaa xalay raali-gelin buuxda ka siiyey siyaasigii Cabdiraxmaan Cabdishakuur weerarkii ay ciidamo ka tirsan dowladda ku qaadeen gurigiisa, intii uu Kheyre madax ka ahaa xukuumadda.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in raali-gelinta uu Kheyre bixiyey ay ku timid cadaadis xooggan oo uga yimid Madasha Xisbiyada Qaran, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo sidoo kale siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kheyre ayaa shalay markii uu soo gaaray Muqdisho waxay Madasha ku war-geliyeen inuusan ka qeyb-gali karin shirka maanta u furmaya musharaxiinta madaxweynaha, illaa uu raali-gelin ka bixiyo dhacdooyin ay ka mid yihiin; midda Cabdiraxmaan Cabdishakuur, dhiibistii Qalbi-Dhagax iyo diyaaraddii Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ee lagu xanibay garoonka Aadan Cadde.

Xildhibaano iyo odayaal ku beel ah Kheyre ayaa kadib u tegay Xasan Sheekh kana codsaday inuu meesha ka saaro shuruudahan adag, taasi oo Xasan Sheekh uu ku gacan seeray, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo ku dhow.

Ka sokow arrinta raali-gelinta, Xasan Sheekh ayaa la rumeysan yahay inuu tabasho kale oo hoose u qabo Kheyre, oo la xiriirta “qiyaameyn uu ku sameeyey” doorashadii 2016, markaasi oo isaga iska dhigaya nin la jira oo la shaqeynaya uu sidoo kalena si hoose ula shaqeynayey ololaha Farmaajo.

Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, xubnaha ka wakiilka ahaa Kheyre ayaa kadib u tegay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaasi oo aqbalay codsigooda islamarkaana u sheegay inuu Xasan Sheekh xallin doono, balse ay u baahan yihiin inay soo xaliyaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sheekh Shariif ayaa kadib la hadlay Xasan Sheekh, una sheegay in Kheyre uu kaga dhigay, taasi oo Xasan uu aqbalay.

Intaas kadib xildhibaanada iyo odayaasha Kheyre ka wakiilka ahaa ayaa la hadlay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, hase yeeshee wuxuu ku adkeystay inaysan qancin wax aan ka ahayn raali-gelin buuxda, oo weliba shaacsan.

Markii meel loo dhaafo la waayo arrinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa ugu dambeyn Kheyre ugu tegay gurigiisa kadibna qoray raali-gelinta oo lasoo dhigay facebook.

Kheyre ayaa tallaabadan qaaday sababtoo ah waxaa ka go’neyd inaan laga reebin shirka maanta geesna looga riixin isbaheysiga mucaaradka, taasi oo uu u arkay fashil siyaasadeed, xilli horey loogu dhaliilay in inta uu xukunka hayey uu siyaasiyiin badan oo ku beel ah ku fiirsaday tacaddiyada dowladda madaxweyne Farmaajo.