Xog: Gaadiid uu leeyahay MAHDI GUULEED oo lagu qabtay qaad qarsoodi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Isniintii lasoo dhaafay ay qabteen laba gaari uu leeyahay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed “Khadar”, kuwaas oo waday qaad si qarsoodi ah lagu soo geliyay Muqdisho.

Saraakiisha aan la hadalnay ayaa Caasimada Online u sheegay in labadaan gaari oo kala ahaa QOOQAN BOOLIS iyo CABDI-BILE BOOLIS ah laga qabtay degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir, iyagoo qaad ka soo qaaday xeeb ku taala duleedka degmada Kaaraan.

Labadaan gaari ayaa la sheegay in midka Cabdi-bilaha ah ku xirnaa qori waxaana maalin kadib lagu wareejiyay Saldhigga Booliska ee degmada Heliwaa, inkastoo saacado kadib dib loogu celiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

Saraakiisha Booliska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in hore loo soo saaray amar ahaa in ay dowladda la wareegto gaarigii qaad si sharci darro ah u keena Muqdisho balse amarkaas loo baal maray Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u joojisay qaadka ka yimaada Kenya, hase yeeshee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo geliyaa hab suuq madow ah, ayada oo laga soo dejiyo xeebaha ku yaalla duleedka caasimadda.

Qaadka ayaa waxaa kadib inta badan lasoo saaraa gaadiidka qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa ay leeyihiin saraakiisha ciidanka, oo ku xiran qaar ka mid ah ganacsatada magaalada.