Xog: Taliyaha booliiska oo ka horyimid qorshihii Cumar Filish, amarna siiyey guddigii uu magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya Jeneral Cabdi Xasan Xijaar ayaa joojiyay shaqada guddiga ka soo tala-bixinta furitaanka wadooyinka Muqdisho, kuwaas oo uu magacaabay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in guddigaan oo la kulmay Jeneral Xijaar lagu amray in ay joojiyaan shaqada ay haayaan oo aan aheyn masuuliyadooda, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan booliiska Soomaaliya.

“Arrinta amniga iyo wadooyinka xiran ee gobalka Banaadir waa shaqo u taalo hay’adaha amniga, gaar ahaan booliska waana istiraatiijiyad ka imaaneysa taliska ee ma ahan mid uu go’aamin karo maamulka gobalka Banaadir iyo taliska qaybta” ayuu yiri taliyaha booliska Soomaaliya Jeneral Xijaar sida ay noo sheegeen masuuliyiin ka tirsan saraakiisha booliiska Soomaaliya oo kulanka goob joog ahaa.

“Gobalku arrimaha amniga shaqo kuma lahan laakiin door waa ku leeyahay waxaan idin keeni doonaa qorshaha amniga gobalka Banaadir waxaad ka qayb qaadan doontaan fulintiisa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mr Xijaar sida ay noo sheegeen xubnihii kulankaasi ku sugnaa.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish, ayaa dhowaan soo saaray guddi loogu magac daray guddiga ka soot ala bixinta furitaanka wadooyinka Muqdisho, waxaana muuqata in guddigaasi aysan qaban wax shaqo oo ay la kulmeen caqabado badan sida ay noo sheegeen masuuliyiin ka tirsan booliiska Soomaaliya.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa inta badan ah mid aan awood sidaas ah u lahayn, waxaana awoodda gobolka haysata xukuumadda, ayada oo gobolka uu ula mid yahay Soomaaliya oo dhan, maadaama uu yahay meesha kaliya ee ay ka taliso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com