Xildhibaan u geeriyooday dhaawaci guddoomiyaha WARSHEEKH uu u gaystay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xasan Cali Xasan oo ka mid ahaa Golaha deegaanka degmada Warsheekh, kaasoo bishii hore ku dhaawacmay xabad uu si kama’ ah ugu dhiftay Guddoomiyaha degmada Warsheekh.

Dhaawaca loo gaystay Xildhibaanka ayaa dhacay 19-kii Bishii September, xilligaasi oo uu ku soo dhaawacmay Magaalada Warsheekh.

Dhaawaca xubintan ka tirsanaa Golaha deegaanka Warsheekh ayaa markii hore la geeyay Isbitaalka Keysaney ee duleedka degmada Kaaraan, hase ahaatee markii dambe loo soo wareejiyay Isbitaalka Madiina.

Guddoomiyaha degmada Warsheekh Xasan Xaaji Maxamed Darafey ayaa la sheegay in si aan ula kac laheyn u toogtay saaxibkiis, xilli uu barayay sida loo rido bastooladaha iyo qaabka wax loogu shiisho.

Geerida Xildhibaanka ayaa waxaa xaqiijiyay Maamulka Degmadaasi Warsheekh oo siyaabo kala gedisan ula hadlay Warbaahinta gudaha.

Maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu aaso Xildhibaanka dhintay Allaha u naxariistee.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com