Xog: Taliyaha NISA oo xilka iska casilaya iyo sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya Xuseen Cusmaan Xuseen (Uurkuus), ayaa la filayaa inuu dhowaan is-casilo, sida ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Taliye Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa la filayaa inuu isku sharxo xilka madaxweynaha maamullka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, oo doorashadiisa ay dhici doonto bisha soo socota.

Ilaa hadda lama shaacin waqtiga uu is-casili doono taliyaha, hase yeeshee maadaama doorashadu dhowdahay, uuna doonayo inuu olole galo, waxaa la filayaa inuu xilli dhow ka dego xilka.

Taliye Xuseen Uurkuus ayaa la filayaa inuu warqadiisa is casilaada uu u gudbiyo Madaxweynaha, sidoo kale waxaa la sheegayaa in Saraakiisha NISA inuu la wadaagay inuu is casili doono.

Wararka ayaa waxa ay sidoo kale sheegayaan in is-casilaadda taliyaha ay ku lug leedahay xukuumadda Soomaaliya ay isku dayeysa inay Shariif Xasan ka horgeyso musharax adag, oo xilka kala wareegi kara.

Dowladda Soomaaliya ayaa adeegsaneysa xeelad ah inay xubno taageersan ka dhigto madaxweynayaasha qaar ka mid ah madax goboleedyada, si ay u kala dhantaasho isbaheysiga ka dhan ah ee ay sameysteen.

Taliye Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa toddobaadkii tegay gaaray Baydhaba, halkaasi oo uu kula kulmay Mukhtaar Roobow kana codsaday inuusan is-sharxin. Si kastaba, Roobow ayaa ku gacan seeray, taasi oo dhalisay in dowladda ay fasaxdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com