Faah-faahin: Laba qarax oo ruxay Baydhaba (Yuu ahaa bartilmaameedka?)

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysaLaba qarax oo waa weyn oo isku mar dhacay oo abaare 5:30 galabnimo ruxay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, sida ay goobjoogeyaal u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Labada qarax ayaa mid waxa uu ka dhacay meel ku dhow Hotel-ka Bilan, halka qaraxa labaad uu ka dhacay bannaanka maqaayadda Badar. Labada goob ee qaraxa uu ka dhacay ayaa waxay isku jiraan qiyaastii 5km. Qaraxyada kadib ayaa la maqlay rasaas culus oo dhaceysa.

Warar aan ka helnay ilo-wareedyo dhinaca ammaanka ah ayaa sheegaya inay u malaynayaan in labada qaraxba ay ahaayeen kuwa is-miidaamin ah.

Baabuurta gurmadka deg degga ah ayaa ku cararaya goobta qaraxa, waxaana warar horudhac ay sheegayaan in qaraxa ay u badan tahay in dadka shacabka lala beegsaday. Waxaa aad looga cabsi qabaa inuu jiro khasaare nafeed oo xooggan, inkasta oo aan la hayn faahfaahin.

Warar hordhac ayaa sheegaya in Afar ay ku dhinteen qaraxa ka dhacay hotel Bilan, kuwaasi oo dhammaantood ahaa shacab.

Magaalada Baydhaba ayaa xarun KMG ah u ah maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ee uu hoggaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo caasimaddiisa ay tahay magaalada Baraawe.

Qaraxyadan waxay ku soo aadeen xilli galabta magaalada Baydhabo kulan taageero uu ku qabsanayay musharax madaxweyne Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com