Qaraxyada BAYDHABA oo lagu la’day: Wararkii ugu dambeeyey Khasaaraha

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa laba Qarax oo ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.

Jugta qaraxyada, waxaa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada, waxaana la maqlayay sidoo kale rasaas culus iyo dhawaqa Gawaarida Ambalaaska.

Labada qarax ayaa midi waxa uu ka dhacay meel ku dhow Hotel-ka Bilan, halka qaraxa labaad uu ka dhacay bannaanka maqaayadda Badar.

Labada goob ee qaraxa uu ka dhacay ayaa waxay isku jiraan qiyaastii 5km.

Dadka ku sugan Baydhabo, waxey soo sheegayaan in qaraxyada oo aan daqiiqado badan u dhexeyn ay dhaliyeen khasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Warar dheeraad ah ayaa soo sheegaya inuu kordhay khasaaraha dhimasho ee Qaraxyada waxaana ku dhintay inta la ogyahay 15 Qof, halka dhaawacana uu intaasi ka badanyahay.

Qaraxyadan waxay ku soo aadeen xilli galabta magaalada Baydhabo kulan taageero uu ku qabsanayay musharax madaxweyne Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Qaraxyadan ayaa muujinaya heerka amni ee magaalada Baydhabo iyada lagu guda jiro abaabulka iyo diyaar garowga ku aadan doorashada la qorsheeyay inay dhacdo 17-ka November ee sanadkan.

Geesta kale, xaalada Magalada baydhabo ayaa Caawa ka duwan sidii saakay waxaana lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa booliska Koonfur Galbeed oo goob walba xiray.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhaba

Caasimada@live.com