25.4 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

XOG: Ujeeddada qarsoon ee socdaalka C/WELI Gaas ee magaalada Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen madaxda maamulkaasi.

Ujeddooyinka safarka madaxweynaha Puntland ee Kismaayo ayaa qeyb weyn ka ah isbaheysiga ay sameynayaan madaxweynaha Maamulka Jubba iyo Puntland, kaasi oo uu qeyb ka yahay madaxweynaha koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Wafdiga madaxweynaha Puntland ee Kismaayo waxaa qeyb ka ah issimo kasoo jeeda Puntland, xubnaha baarlamaanka iyo wasiiro ka tirsan maamulka Puntland waxayna doonayaan inay la kulmaan madaxda maamulka Jubba.

Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in ujeedada safarka Gaas ee Kismaayo ay qeyb ka tahay sidii maamulka Jubba looga dhaadhicin lahaa loogana taageeri lahaa qaab dhismeedka baarlamaanka iyo soo xulista xubnaha baarlamaanka.

Waxaa la qorsheynayaa inay sidoo kale wadaagaan fikarada ku aadan sidii ay usii wada shaqeyn lahaayeen ayna u noqon lahaayeen dad ka muuqda siyaasada dalka Soomaaliya sanadaha soo socda.

Sidoo kale waxaa magaalada Kismaayo ka socoto qorshe la doonayo in munaasabad balaaran loogu qabto xaflada dhismaha baarlamaanka maamulka KMG ee Jubbaland.

Muddo seddex maalin ayaa la qorsheeynayaa inuu ku sugnaado Gaas magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, oo xarun u ah maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News