XOG: Ujeeddada safarka Axmed Madoobe oo soo gaaray Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya

Wafdiga Axmed Madoobe ayaa waxaa kamid ahaa gudoomiyaha baarlamanka Jubaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdirahmaan, xubno ka tirsan labada gole ee dowlada iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Jubaland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, xildhibaano katirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo dadweyne kala duwan.

Sida ay fahansan tahay Caasimada Online, safarka Axmed Madoobe ee Muqdisho ayaa la xiriira ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ay naga xigto kaliya 6 maalmood, ayada oo la qorsheeyey in la qabto Axadda soo socota ee 15-ka May.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu la kulmo xildhibaanada labada aqal ee kasoo galay Jubaland iyo xildhibaano kale, isaga oo kala hadli doona cidda ay tahay inay ugu codeeyaan inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya.

Inkasta oo markii hore la fahamsanaa in Axmed Madoobe uu taageersan yahay Saciid Deni, haddana warar soo baxay maalmihii dhowaa ayaa sheegaya inuu hadda si hoose u dhisayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Axmed Madoobe ayaa rumeysan inay aad u yar tahay rajada uu Saciid Deni ku noqon karo madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo aan haysan taageero ku filan.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta niyad jab weyn kala kulmay xildhibaanada laga soo doortay maamulka goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, ee uu sida weyn isugu haleynayey.

Sida ay ogaatay Caaismada Online, Saciid Deni ayaa isugu yeeray xildhibaanada labadaas maamul goboleed si uu ugu sameeyo qado sharaf iyo inuu kala hadlo doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo inay dhacdo 15-ka bishan.

Kulanka oo lagu casuumay 80 xildhibaan oo isugu jiro xildhibaanada laba aqal ee baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doortay Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa kasooo qeyb galay kaliya 33 xildhibaan, taasoo muujineyso in sidii loo maleeyey aanu Saciid Deni taagero uga heysan xildhibaanada labadii maamul goboleed ee uu isku haleenayey.