Daawo: Xubnihii lagu soo doortay Garbahaarey oo ka jawaabay go’aanka A/Madobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo jawaabay xubnihii xildhibaanada sheeganayey ee lagu soo doortay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, kuwaas oo filan waa ku tilmaamay go’aankii uu galabta gaaray guddoonka golaha shacabka.

Guddoonka golaha shacabka ayaa go’aamiyey in xildhibaanadii lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ay yihiin kuwa afarta sano ee soo socota baarlamaanka ku meteli doona gobolka Gedo, halka xubnihii Garbahaarey aan waxaba laga soo qaadin.

Cabdiraxmaan Macalin Xuseen oo ka mid ah xubnihii lagu soo dhisay Garbahaarey ayaa sheegay in go’aanka guddoonka baarlamaanka ay gadaal ka riixayaan dowlado shisheeye iyo dad la shaqeysta.

Wuxuu ku af-gobaadsaday in go’aanka soo baxay ay u maleynayaan in Guddoomiye Aadan Madoobe uusan waxaba ka ogeyn, isagoo hadii uu wax ka ogyahay ka codsaday in awooda dowladnimada uusan ku dulmin metelaada shacabka reer Gedo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan cambaareynayaa warqadii la sheegay inay ka soo baxday guddoonka baarlamaanka, waxaan aaminsanahay in warqadaasi aysan ka soo bixin guddoonka baarlamaanka, laakiin hadii ay run tahay Aadan Madoobe wuxuu Soomaaliya geliyey mugdi cusub, waana ka xumay tilmaamo dowlado shisheeye inaad qaadato,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Macalin oo ka mid ah xubnihii Garbahaarey.

Sidoo kale ninkaan ayaa guddoomiye Sheeekh Aadan Madoobe ka codsaday inuu ka laabto hadii uu gaaray go’aankaan ah in la tuuro xubnihii Garbahaarey ee la qaato xubnihii Ceelwaaq.

“Go’aankaan waxaa nooga muuqata in Aadan Madoobe uusan dooneyn doorasho ee dalka uu qalqal cusub gelinayo, xildhibaano ayaan nahay, taas ka waantow ayaan ku leenahay, hadii lagu marin habaabiyey oo dowlado shisheeye iyo dad la shaqeeya ay ku qaldeena ka soo laabo qaladkaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdiraxmaan Macalin oo ka mid ah xubnihii maanta go’aanka laga garay ee xildhibaanada sheeganayey.

Hoos ka daawo