Daawo: Farmaajo oo ku dhawaaqay musharaxnimadiisa, soona gudbiyey laba codsi

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax mar kale u taagan inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo shacabka ka codsaday in mar kale ay fursad siiyaan.

Farmaajo ayaa laba codsi u kala diray xildhibaanada iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo xildhibaanada ka codsaday inay codkooda siiyaan, si buu yiri aan wadajir ugu guuleysano.

“Baaqa koowaad waxaan u dirayaa xildhibaanada sharafta leh ee labada Aqal, waxaan ka codsanayaa inay codkooda i siiyaan, si aan wadajir ugu guuleysano oo u hormarino dalka iyo dadkeena, una sii socodsiino is bedel doonkii soo bilowday Febraayo 2017-kii,” ayuu yiri Farmaajo.

Baaqa labaad wuxuu u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo yiri, “Meel walba oo aad joogtaan waxaan si qadarin leh idinkaga codsanayaa inaad mar kale igu garab istaagtaan dib u doorasho ku dhisan danta shacabka.”

Sidoo kale Farmaajo ayaa bogaadiyey hanaanka ay u socdaan howlaha doorashooyinka dalka, isagoo tilmaamay in doorashada madaxweynaha lagu aadiyey maalin muhiim ah.

“Waa nasiib wanaag in maalinta doorashada Madaxweynaha JFS lagu asteeyey maalinta xuska Halgameyaashii SYL, taas oo direysa farriin cad oo muujinaysa sida dadka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay dib u dhiska dowladnimada iyo soo celinta heybaddooda Qaran. Haddaba anigoo tixgelinaya codsiga shacabka Soomaaliyeed, waxaan go’aansaday in aan mar kale isu sharraxo xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si aan usii socodsiinno isbeddelka ka socda dalka ee miro-dhalay,” ayuu yiri Farmaajo.

Hoos ka daawo