Xog: Villa Somalia oo wada qorshe lagu boobayo 16-ka kursi ee yaalla magaalada…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xulafadiisa ayaa wada qorshe ay ku boobayaan kuraasta 16-ka ee taalla gobolka Gedo, xilli uu maamulka dowlad goboleedka Jubbaland uu sheegay in halkaas ka dhici karin doorasho lagu kalsoonaan karo.

Villa Somalia ayaa sidoo kale hore ugu guuleystay in maamulka dowlad goboleedka Jubbaland u xil saaran gobolkaaas iyo degmooyinka gacantooda ka baxay uu dulsaar ku ahaado magaalada Kismaayo.

Khilaafka Jubbaland iyo maamulka garabka ka helaya kooxda Farmaajo ee la xiriira hab maamulka gobolkaas ayaa soo jiitamayay tan iyo 2018kii, ayada oo uu marba heer uu soo maray, kaasi oo xiliyada qaar doodiisu saameyn xoogan ku laheyd shirarka doorashooyinka.

Villa Somalia ayaa ciidan badan geysay gobolka Gedo, si ay gacanta ugu dhigto kuraasta halkaas taallo, islamarkaana laga yeelo sidii la doono, laguna soo saarto cidii la rabo.

Ujeedka ugu weyn ee Farmaajo iyo xulafadiisa xoog iyo xeeladba isugu geeyen gobolkaas ayaa ah inay ku boobaan 16 kamid ah 43-da kursi ee Saami ahaanta loo siiyay Jubbaland, si ay ugu soo baxaan Xildhibaanno codadkooda ay ku tashaneyso Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxay arrintan si cad uga hor-imaaneysa heshiisyadii iyo kulamadii looga dooday doorashada, kuwaasi oo la isku afgartay in dowlad gobaleedka Jubbaland loo daayo hab maamulka doorasho ee Garbahareey, lana geeyo halkaas mas’uuliyiinta illaa hadda dulsaarka ku ah Kismaayo.

Xiisada khilaafka ayaa markale soo cusboonaatay kaddib markii Kismaayo ay ku kulmeen Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin xubno ka ah Jubbaland oo kasoo jeeda gobolkaas, kuwaas oo sheegay inaysan suurtagal aheyn in Garbahaarey lagu qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Dhinaca kale, maamulka gobolka Gedo ee garabka ka haysta Villa Soomalia ayaa si cad uga horyimid arrinkaas, ayaga oo sheegay in doorashada 16-ka kursi ka dhaceyso magaaladaas, loona diyaariyay qorshihii lagu qaban lahaa.

Si kastaba, doorashada Garbahaarey ayaa waxaa maamulkeeda si toos ah gacanta ugu dhigay Farmaajo iyo xulafadiisa, xilli ay midaas ka biyo diidan yahay maamulka Jubbaland, waxayna midan dhalin kartaa gaabis kale oo ku yimaada doorashada oo qorshuhu ahaa in lagu soo gaba-gabeeyo 25-ka bishaan.