Xog: Waa kuma taliyaha cusub ee nabad-sugida?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar xog-ogaal ah oo aay heshay Caasimada Online ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan bedeli doona madaxa sirdoonka ee NISA, Genaral Tuuryare.

Madaxweynaha ayaa baadi goob ugu jira ciddii uu ke bedeli lahaa. Xogta ayaa sheegeysay in ragga uu niyadda ku hayo aay ka mid yihiin Cabdiraxman Cusman Cumar Kampala oo bilooyin ka hor la siiyay jagada Gaashaanle Sare, isla markaana hadda ah madaxa protocolka xafiiska Madaxweynaha, waxaa isagana laga yaabaa in jagadan loo magacaabo Gen. Cabdullahi Macallin Nuur oo hadda ah madaxa saadka ee ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Liiska hadda miiska u saaran madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah

  1. 1. Cabdiraxman Cusman Cumar Kampala
  2. 2. Cabdullaahi Macallin Nur
  3. 3. Mahad Salaad. oo hadda ah wasiiru dowlaha madaxtooyada
  4. 4. Xuseen Macallin oo hadda ku magacaaban la taliye madaxweyne

Labadan nin ee dhalin yarada ah ayaa waxaa aay ku beel yihiin Madaxweynaha iyo Gen. Tuuryare. Dad badan ayaa aad ula yaaban sad-bursiga Xasan Sheekh Maxamuud, oo awood qeybsigii 4.5 gooni uga dhigay beesha Waceysle.

kampalaWaxaa soo badanaya qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee magaalada Muqdisho, taasoo sabab aay u tahay awood xumida, iyo aqoon la’aanta aay leeyihiin madaxda loo igmaday in aay sugaan ammaanka dalka Soomaaliya sida ciidamada Booliska iyo NISA & Wasaaradda Amniga.

Taliyaha Ciidanka Booliiska ayaa inta badan dalka dibadda uga maqan. Gen. Maxamed Sheekh oo hadda ka hor ku soo fashimay markii uu ahaa madaxa NISA ayaa waxaa lagu abaal mariyay Booliiska.

Wasiirka Amniga ayaa isagana qaraabo dhaw la ah madaxweyne Xasan Sheekh walaalahiis aay isku hooyada yihiin. Wasiirka oo aan wax qibrad ah iyo aqoon u lahayn arrimaha nabad gelyada iyo sugidda ammaanka ayaa waxaa meesha uu ku joogaa kalsooni uu ka haysto madaxweynaha.

Waxaa isi soo taray in Xasan Sheekh uu hadda rabo in uu haddana madaxa NISA ku bedelo dhallinyaro aay qaraabo hoose yihiin oo aan aqoon, qibrad iyo dadnimaba u lahayn arrimaha nabadsugidda & sirdoonka.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu isbedelkan ku dhawaaqo inta aanu u amba bixin booqasho lagu wado in uu ku tegi doono waddamada Boqortooyada Sucuudiga iyo Imaaraadka bartamaha bishan Janaayo ee 2016.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa aay taagan yihiin quus, waxaana aad maqleysaa meel walbo oo aad tagto, niyad jabka shacabka aay ka qabaan Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda kale ee dowladda guud ahaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimadda@live.com