R/W CC oo sheegay arrin lid ku ah Xasan Sheikh

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ka hadlaayay arrimaha shirka la filaayo inuu ka furmo magaalada Kismaayo ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne Xassan ay isku khilaafi karaan rayiga.

Cumar C/rashiid waxa uu sheegay in iyada oo lawada shaqeynaayo hadana lagu kala duwanaan karo rayiga, taasina ay suuragal tahay inaysan ku yeelan saameyn.

Cumar C/rashiid waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu qabo in nidaam ka duwan kan 4.5 lagu hago dalka Somalia waxa uuna sheegay in nidaankaasi uu yahay mid xaqiraaya Beelo farabadan.

Maxadweyne Xassan ayuu sheegay inuu aaminikaro in Somalia lagu sii maamulo nidaamka 4.5 balse rayigiisa uu yahay mid aan lagu faragalin doonin ayuu sharmaarke yiri.

Sharmaarke waxa uu cadeeyay in Somalia ay u baahan tahay Nidaam iyo Siyaasad cusub, taasi oo uu sheegay in mustaqbalka dhow ay Somalia ay u baahnaan doonto waa haddii ay dadku yihiin kuwa arrinkaasi dareensan ayuu yiri.

Waxa uu ku celcelshay in arrinta looga tanaasulaayo nidaamka 4.5 uu yahay mid khuseeya shacabka, bacdamaa ay iyaga dhawaan ka degi doonaan xilka ay hayaan.

Dhanka kale, Cumar C/rashiid waxa uu ballanqaaday in DFS ay adeeci doonto waxa kasoo baxa shirka la filaayo inuu ka furmo magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com