Madaafiic lagu garaacay agagaarka Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online):-Tiro Madaafiic ah ayaa goor dhaw ku soo dhacday Agagaarka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya,waxaana la sheegay in ilaa iyo Saddex Madfac ay ku soo dhaceen Galbeedka Madaxtooyada Soomaaliya.

Dad Goobjoogeyaal ah ayaa noo Xaqiijiyay in Madaafiicda oo aan ilaa hadda la ogeyn halka laga soo riday ay ku dheceen Meel aan sidaa uga Fogeyn Daarta Shimbiraale oo ku taalla Galbeedka Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Dad Rayid ah ay ku dhaawacmeen Madaafiicdaasi maanta ku dhacday Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.

Saraakiisha Amniga Soomaaliya wali wax Faah-faahin ah kama bixin Hoobiyaashaasi maanta ku soo dhacay Meel u dhaw Madaxtooyada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com