Xog: Guuleed oo diiday qorshihii Axmed Madobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug ay si qoto dheer uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo u badan shirka la filaayo inuu ka furmi doono magaalada Kismaayo.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Socdaalka Axmed Madoobe ee Cadaado uu ahaa mid ku qotomay sida uu C/kariin Gulleed uga dhaadhicin lahaa inuu kamid noqdo maamulada doonaaya in laga tanaasulo waxa uu ugu yeeray 4.5.

Axmed Madoobe waxa uu Gulleed u sheegay in Ujeedka isaga iyo C/wali Gaas ee ku aadan ka gudbida nidaamkaasi uu yahay in Dalka Somali oo idil laga dhaqan galiyo waxa uu ugu yeeray cadaalad saameysa min beel ilaa beel kale.

Axmed Madoobe iyo C/kariin ayaa wada qaatay kulan la sheegay inuu socday ku dhawaad 4-saac oo xiriir ah kaasi oo intiisa badan uu Axmed Madoobe xooga ku saaraayay sida Gulleed uu uga dhaadhicin lahaa inuu kamid noqdo garabkooda oo uu garwaaqsado in 4.5 uu yahya mid laga wacan yahay.

Gulleed ayaa lasoo warinayaa inuu ku gacanseeray dalabka Axmed Madoobe waxa uuna C/kariin Gulleed ku doodayay in Ujeedka uu ugu dhagan yahay nidaamkaasi uu yahay ogaansho buuxda oo uu u leeyahay in Soomaalidu aysan ku heshiin karin nidaam kaasi kaduwan.

Geesta kale, waxaa lagu soo waramayaa in C/kariin Gulleed iyo Axmed Madoobe ay mar kale horay usii wadan doonaan saakay kulamadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com