Xog: Israsaaseyn dhex martay dhallinyaro qurbo joog ah iyo ciidamada Nabad-Sugidda + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay is rasaaseyn aay dhex martay koox dhallinyaro ah oo u badan qurbo-joog & saraakiil ka tirsan NISA. Kooxdan ayaa waxaa aay inta badan aay ka shaqeyaantaan NGO sida ELMAN, ATM iyo kuwa kale oo badan.

Kooxdan dhallinyarada ah ayaanan marnaba ka hadlin horumarka dalka markastana dagaal ugu jira sidii aay lacago maalgelin ah uga heli lahaayeen hay’adaha UN iyo kuwa kale. Iyagoo caada ka dhigtay in aay qoraan warbixino been abuur u badan kufsi iyo dhac aan jirin.

Kooxdan dhallinyarada ah ayaa ku nool nolol aad u sarreysa marka loo eego dhallinyarada kale ee jooga dalka. Waxaa dadka qaar aay ku tilmaaman in u shaqeeyaan danaha shisheeye iyo in sidii Soomaaliya aanay cagaheeda ugu istaagi lahayn.

Mid ka mid ah saraakiisha NISA ayaa yiri “Haddaan tusaale u soo qaadanno gabdhaha ELMAN PEACE iyo hooyadood, ma jiraan wax la taaban karo oo aay dalka ka qabteen iyagoo magaca dadka Soomaaliyeed ku soo qaata malaayiin doolar kuna nool nolol tii ugu sarreysay.”

Waxaa uu intaa ku daray “Waxaa sidaa oo kale la mid ah dhallinyaro inta badan ka timaada waddamada Yurub gaar ahaan UK oo ku shaqeysta magaca Soomaaliyeed una yimaada waddanka in aay wax ka sheegaan nabadgelyada xumida, weligoodna aanad ka maqleyn wanaagga iyo horumarka dalka ka jira. Waxaa ka mid ah ururada aay isticmaalaan “Act For Somalia, ATM, GSD” iyo kuwo kale oo aan la soo koobi karin. Dhallinyaradan oo intooda badan shaqo la’aan uga soo tagay Yurub ayaa waxaa aay caqabad ku yihiin nabadda iyo horumarka Soomaaliya.”

Qaar ka mid ah saraakiisha NISA oo si gooni ah ugu warramay ayaa noo sheegay in dhallinyaradan in muddo ahba lagu daba jiray iyadoo si gooni ah loola socday dhaqdhaqaaqyada aay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Sarkiisha NISA ayaa noo sheegay in xalay la isku dayay in la baaro gaari aay wateen markii laga shakiyay oo ciidanka aay joojiyeen gaarigii aay la socdeen aay bilaabeen in aay bostoolada la soo baxaan, ciidanka NISA ayaa xabada kor u tuuray kadibna gaarigii aay wateen ayeey ku baxsadeen ayuu yiri sarkaalka.

Saraakiisha NISA ayaa nala wadaagay video dabagal ah oo aay ka soo duubeen dhallinyaradan oo aay daba socdeen muddo badan. Saraakiisha ayaa naga ogolaaday oo kaliya in aan isticmaalno sawiro aan ka qaadnay videoga aay ka duubeen qaar ka mid ah dhallinyarada oo jooga xeebta Liido iyo kuwo kale oo aay fadhiyaan meel lagu cabo shiishada.

Ilwaad Elman oo ka mid ah ELMAN PEACE ayaa waxaa aay barteeda twitterka soo dhigtay in la isku dayay in la dilo dhallinyarada, iyadoo dowladda ku eedeysay in aay qatar ku tahay nolosha dhallinyarada, oo si isku mid aay ula dhaqanto kuwa argagixisada ah iyo dhallinyarada kale. Sarkaal NISA ayaa noo sheegay in wax laga qaban doono haddalada ka soo yeeray Ilwad Elman

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimadda@live.com

tweet

 

1 2
4 5
7