Diblomaasiyiinta Iran ee Muqdisho ku sugan oo 72 saac loo qabtay inay Soomaaliya uga baxaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow xiriirka u jartay dowladda Iiraan, iyadoo ku biirtay dowladaha Carbeed ee garab istaaga u muujiyay dowladda Sacuudiga Carabiya. Kulan Golaha Wasiirada ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray go’aan rasmi ah oo xiriirka loogu jaray Iiraan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dhowaan war saxaafadeed ay soo saartay ku cambaareysay weerarkii Safaaradda Sacuudiga ee Tehran lagu qaaday.

Soomaaliya ayaa ku biirtay, dowladaha Jabuuti, Baxreyn, iyo Sudan oo xiriirka u jaray Iiraan, iyadoo dowladaha Jordan, Kuwait iyo Qadar ay u yeerteen Safiiradooda u joogay Tehran, halka Imaaraadka Carabta ay hoos u dhigtay howlihii diblomaasiyadeed ee Iiraan.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Diblomaasiyiinta Iiraan ee ku sugan magaalada Muqdisho laga codsaday inay dalka uga baxaan muddo 72-saacadood, kadib go’aankii Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ee xiriirka loogu jaray dowladda Iiraan.

Sii hayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iiraan ee Muqdisho Javad Dehghan Lotfabadi ayaa lagu wargeliyay inuu dalka ka baxo isaga iyo Diblomaasiyiinta kale.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay timid kadib baaritaan dhab ah oo la sameeyay , laguna ogaaday in Iran ay ka fulineysay Soomaaliya howlo qalqal gelinayay amniga,deganaanshaha ,wadajirka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday Iiraan inay xushmeyso madax banaanida dowladaha, isla markaana joojiso faragelinta gudaha, ilaalisana qawaaniinta , heshiisyada caalamiga ah iyo cahdiga Vienna ee xiriirada diblomaasiyadeed.

PR

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com