Xog: Wada-hadallo u socda Axmed Madoobe iyo C/naasir Seeraar iyo arrin culus oo laga dalbaday Seeraar

Nairobi (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo ay ka socdaan wada-hadallo u dhaxeeya madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Cabdinaasir Seeraar, oo isna sidoo kale sheegtay madaxweynaha Jubaland.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in ergo matalaysa Axmed Madoobe ay wada-hadalladan la leeyihiin Cabdinaasir oo laga doonayo inuu isaga baxo magaalada Kismaayo, islamarkaana aado meel kasta oo uu doonayo.

“Axmed Madoobe ma doonayo mana ogolaanayo in qof madaxweyne la sheegtay uu dhinac kasii joogo magaalada Kismaayo” waxaa sidaas yiri qof ku dhow Axmed Madoobe oo la hadlay Caasimada Online, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in dalabka Axmed Madoobe uusan horseedi doonin wax dagaal ah oo ka dhaca Kismaayo, islamarkaana Axmed Madoobe uu rajeynayo in Seeraar dib ugu laabto magaalada Nairobi oo uu ka yimid ka hor doorashada.

Si kastaba, Cabdinaasir Seeraar ayaa ah siyaasiga ciidan ahaan ugu awoodda badan siyaasiyiinta sheegtay xilka madaxweynaha Jubaland, waxaana laga cabsi qabaa in joogitaankiisa Kismaayo uu horseedi karo dagaal dhiig badan uu ku daato, haddii aan xal la gaarin.

Wada-hadallada labada dhinac ayaa waxaa ku jira siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda beesha ay ka soo wada jeedaan labada siyaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com