Safaricom iyo warbaahinta Kenya oo dagaal ku billaabay shirkadda Hormuud

Nairobi (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Kenya, oo muuqda inay gadaal ka riixeyso shirkadda isgaarsiinta dalkaas ee Safaricom, ayaa kusoo biirtay dagaalkii ay horey ciidamada dalka Kenya ugu hayeen shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecon ee Soomaaliya.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxay Nairobi ayaa maanta qoray warbixin la-yaab leh, oo aan sal iyo raad lahayn oo uu shirkadda Hormuud ku eedeynayo inay ka dambeysay weeraro ka dhacay gudaha dalka Kenya oo lagu burburiyey anteenooyin iyo taawaro ay leedahay shirkadda Safaricom.

Warbixinta Daily Nation ayaa u muuqata mid caksi ku ah dhibaatada ay horey ciidamada Kenya ugu gaysteen qalabka shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee deegaanada ku dhow xuduudda Kenya, halkaasi oo shirkadda ay adeegyo taleefon ku siiso shacabka Soomaaliyeed.

Qorshahan ayaa u muuqda mid qeyb ka ah dagaalka guud ee Kenya ay ku haysom dowladda, shacabka iyo hantida umadda Soomaaliyeed, si loogu qasbo dowladda inay ka laabato dacwada kiiska badda.

Tallaabooyinka ay horey dowladda Kenya u qaaday waxaa ka mid ahaa:

  1. In ay iska hor keentay maamul goboleedka Jubbaland iyo dowladda dhexe
  2. Kenya waxa ay diiday in ay ilaaliso xasaanadda baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya.
  3. Diyaaradaha ka baxa Soomaaliya oo dib loogu celiyo baarista garoonka Wajeer oo la mariyo rakaabka kusii jeeda Kenya.
  4. Kenya waxa ay ku hanjabtay in ay aqoonsaneyso gobollada woqooyi ee Soomaaliya (Somaliland), iyadoo ay labada dhinac yeesheen wada hadallo aan mirohooda saxaafadda loosoo bandhigin.
  5. Dagaal dhanka dhaqaalaha oo ay ugu horreyso, burburinta 12 xarumood oo ay laheyd shirkadda Iisgaarsiinta Hormuud oo ah shirkad qaran, si ay taas cadaadis ugu saarto dowladda Soomaaliya maadaama ay Hormuud tahay shirkad dalka saameyn ku leh.

Dowladda Kenya ayaa u aragtay inay Hormuud tahay shirkadda heyso hantida ugu badan ee shacabka Soomaaliyeed, waxayna kusoo qaaday dagaal burburin ah iyo mid dhanka saxaafadda ah.

Shirkadda Hormuud ayaa waxaa ku midoobay ganacsato badan oo Soomaaliyeed oo isugu jiro qeybaha kala duwan ee bulshada, waxayna ka mid tahay shirkadaha ugu horreeyo ee Africa waxayna dhawr jeer dhibane u noqotay dowladda Kenya oo ay ka go’an tahay inay cuuryaamiso hantida shacabka Soomaaliyeed.

Dagaalka Kenya ayaa waxaa sidoo kale muuqata inay qeyb ka tahay shirkadda Safaricom ee ugu weyn dalka Kenya, taasi oo weysay macaamiil badan oo ah Soomaalida ku nool mnagaalooyinka Soomaaliya ee u dhow xuduudda Kenya, kuwaas oo isticmaali jiray taleefonka Safaricom, balse markii ay halkaas gaartay Hormuud, usoo wareegay shirkaddooda Soomaaliyeed.

Warbixinta Daily Nation ayaa lagu eedeeyey Hormuud inay dooneyso inay adeeg siiso shacabka ku nool deegaanada gudaha Kenya ku yaalla ee gaaraya illaa 50 km, sidaas darteedmna ay ugu lug leedahay burburinta qalabka Safaricom.

Hase yeeshee xaqiiqda ayaa ah in Daily Nation ay dib u wareejisay wixii ay sameynayeen ciidamada Kenya iyo Safaricom oo shirkadda Hormuud qalabkeeda u burburinayey si Safaricom u hesho suuqii uga lumay xuduudda Soomaaliya.

Xaqiiqda ayaa ah in burburinta Kenyan-ka loo hayo caddeymo buuxa, balse eedeynta ka dhanka ah Hormuud aan xitaa hal caddeyn loo hayn. Shacabka Soomaaliyed waa inay difaacdaan hantidooda, dalkooda iyo dowladdooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com