Xildhibaanada mucaaradka iyo Ahlu-Sunna oo qorshe ka dhan ah DF isku baheystay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Kulamo is daba joog ah ayaa magaalada Dhuusamareeb caawa ilaa galabta uga socda xildhibaanada mucaaradka ku ah xukuumadda federaalka ee ku sugan magaaladaas iyo hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna, sida Macalin Maxamuud iyo Sheikh Maxamed Shaakir.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in kulamadaas looga arinsanayo sidii dowladda federaalka looga wareejin lahaa maamulidda shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug, oo ka socda xarunta loo asteeyay ee Shiirkole, oo haatan ay ku shirsanyihiin ergo mataleysa dhamaan beelaha Galmudug,

Ahlu-Sunna iyo xildhibaanada mucaaradka ah ayaa doonaya in arrimaha dib u heshiisiinta loo madax baneeyo odayaasha dhaqanka ee kasoo kala jeeda beelaha ku mideysan maamulka Galmudug.

Xildhibaanada la kulansan hoggaamiyaasha Ahlu-Sunna ayaa kala ah, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka sare Senetor Abshir Bukhaari, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Senetor Cabdi Qeydiid, Xildhibaan Mahad Salaad, iyo xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xog ay heshay Caasiamada Online ayaa sheegeysa in xildhibaanada mucaaradka ah ee ku sugan Dhuusamareeb  ay qorsheynayaan hadii ay ku guul dareystaan in odayaasha dhaqanka loo madax baneeyo  shirka dib u heshiisiinta inay sameeyaan guddi iskugu jira xildhibaanada iyo ergada shirka, kuwaas oo ay doonayaan inay wadaan geedi socodka shirka.

Waxaan la saadaali karin saameynta uu shirka ka socda Dhuusamareeb ku yeela karo go’aanka xildhibaanada mucaaradka ah iyo hoggaanka Ahlu-Sunna ee ah in Xukuumadda Federaalku ay arimaha shirkaas u madax baneyso odayaasha dhaqanka.

Xukuumadda federaalka oo iyadu gacanta ku heysa shirka dib u heshiisiinta ayaa doonaysa in lagu soo gaba-gabeeyo muddo Shan maalmood ah, sida uu horay uga dhawaajiyay Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya, halka Ahlu-Sunna iyo xildhibaanaduna ay doonayaan in shirkaas la siiyo fursad ay isku saamixi karaan beelaha Galmudug, kuwooda wax kala tabanaya.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com