Raaskambooni (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi ayaa la sheegay inay berri u safrayaan deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ciidanka xoogga dalka ay sal-dhigteen.
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta diiwaan gelin ku bilowday ciidankii Jubbaland ee go’aansaday inay ku biiraan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo maalin kasta gaaraya Raaskambooni, iyagoo ka baxsanaya maamulka Axmed Madoobe.
Maanta ciidamo hor leh ayey dowladda Soomaaliya geysay Raaskambooni, kuwaas oo ah ciidankii lagu soo tababaray Eritrea ee Ilaalo Qaran.
Waxaa halkaas berri tegaya wafdi culus oo la sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamsa uu hoggaaminayo, waxaana socda qorshe culus oo xidida loogu siibayo Axmed Madoobe.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa shalay munaasabad ka dhacday Muqdisho ka sheegay in Axmed Madoobe doonayo inuu isku laayo ciidanka, balse wuxuu ciidanka Jubbaland ku amaanay inay diideen in ciidanka qaranka ay la dagaalamaan.
Xamsa ayaa balan-qaadyo culus u sameeyey ciidamada ka soo goostay Axmed Madoobe ee ku soo biiray ciidanka qaranka, waxaana bilowday fulinta balan-qaadkaas.
Dowladda ayaa maanta bilowday diiwaan gelinta ciidankaas, waxaana weli Raaskambooni ku soo qulqulaya ciidamo hor leh oo ka soo baxaya safka Axmed Madoobe.