Xog: Wafti ka socda Kenya oo Muqdisho u imaanaya inay Axmed Madoobe la heshiisiiyaan DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan heleyno ayaa sheegaya in dhawaan la filayo in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan Xildhibaan Maxamed Yuusuf Xaaji oo ka tirsan baarlamaanka Kenya iyo guddoomiyaha Gaarisa Cali Bunow.

Caasimada Online ayaa ogaatay in xubnahan ay imaan doonaan magaalada Muqdisho, iyaga oo madaxda dowladda Soomaaliya la filayo inay kulamo kala duwan la qaataan.

Sida wararka aan ku heleyno xubnahaan ayaa ujeedadooda tahay inay madaxda dowladda Soomaaliya ay kala hadlaan arimo la xiriira madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Waxaa qorshaha uu yahay inay madaxda dalka kala hadlaan ama ku qanciyaan in waqti kordhin loo sameeyo Axmed Madoobe, oo bilooyin kooban ay kaga harsan yihiin doorashada Jubbaland.

Masuuliyiinta Kenya ayaa doonaya in heshiis iyo isfaham ay dhex dhigaan madaxweyne Axmed Madoobe iyo madaxda dowladda Soomaaliya, Maadaama Axmed Madobe uu yahay madaxweynaha kaliya ee kasoo haray golihii iskaashiga dowlad goboleedyada.

Nuuradiin Haji oo ah Agaasime Kuxigeenka Sirdoonka Kenya islamarkaana uu dhalay Yuusuf Haji Wasiirkii Hore Difaaca Kenya ayaa Wargayska The star u sheegey in Jubbaland Kenya u samaysay sidii ay ugu ilaalsan lahayd Xaduudkeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com