Aqriso: Warqadii Kheyre u diray BF kaidb go’aankii ay gaareen golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Golaha Shacabka u gudbiyay Xeerka Maamul ee Xulida Guddiga Agaasinka Bankiga Dhexe oo Golaha Wasiirada wadar ogol ku ansixiyeen.

Xeerkan ayaa wax ka bedelaya sharciga Bangiga Dhexe, gaar ahaana qodobka 130 aad, Waxaana la doonaaa in dib u eegis lagu sameynayo qodobkaasi.

Golaha wasiirada ayaa si KMG ah wadar ogol ku ansixiyay sharcigaan, waxaana la doonayaa in golaha shacabka ay meel mariyaan, haddii baarlamaanka ay wax kabadalaan kadibna ansixiyaan ayaa waxay ka dhignaan doontaa in ruux ajnabi ah uu qaban karo xilka guddoonka Bangiga Dhexe.