XOG: Waqtiga shirka Kismaayo uu furmayo oo aan ogaanay (Aqri)

Warar xog ogaal ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in 20-ka bishan la waqtiyeeyay in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose uu ka furmo shirka lagu dhisayo maamul goboleedka JubbalalandState.

Go’aanka ayaa waxaa gaaray shan guddi oo dhowaan la sameeyay oo howshooda u ahayd qaban qaabinta shir weynaha. Shantaas guddi ayaa kala ah:- Guddiga Amniga, Guddiga Doorashada, Guddiga Xulitaanka, Guddiga Farsama iyo Maaliyadda iyo Guddiga ka Warqabka.

Sida Caasimada Online ay ka heshay ilo ka tirsan guddiga cusub, waxaa shirweynaha oo ka dhici doona Kismaayo 20-ka bishan, ka qeyb galaya 485 ergo oo ka kala imanaya gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Ergada ka qeyb galeysa shirka ee 485-ka ah, ayaa saddexda gobol waxa ay uga kala iman doonaan sidan:- Jubbada Hoose 185, Gedo 165 iyo Jubbada Dhexe 135.

Markaa kadib ayaa ergadu waxa ay ka doodi doontaa xeerka JubbalandState, kaasi oo ah sharciga aas aasi doona maamul goboleedka JubbalandState.

Waxaa la aas aasi doonaa baarlamanka Jubbaland, kaasi oo kadib dooran doona madaxweynaha maamulka. Sida ay ku warrameen ilo jooga magaalada Kismaayo, hogaamiyaha Raaskambooni Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe), ayaa ah qofka ugu cad cad inuu noqdo madaxweynaha.