Xog-warran: Go’aanka Farmaajo ee Sacuudiga iyo Qatar…faa’ido iyo khasaare

Dowladda Sacuudiga oo isbaheysi u raadineysa go’doominta dalka Qatar ayaa la soo xiriirtay Soomaaliya, Riyadh waxaa ay fileysay in Muqdisho la safato sidii horay u dhacday xilliyadii Sweden iyo Iran, Laakin jawaabta Villa Somalia waxaa ay noqotay mid dhex dhexaad ah, taasi oo Sacuudiga ka nixisay!!

Sacuudiga jawaab weli kama bixin go’aanka Muqdisho, ilo ku dhaw xafiiska ra’isul wasaaraha waxaa ay xaqiijiyeen in wasiirro federaalka ah oo go’aanka dowladda federaalka ah kadib tagay dalka Sacuudiga  laga guddoomay oo keliya qoraallo mashaariic ay wadeen, cumro la geeyay, lana soo ambabixiyay, iyada oo aan lagala hadlin arrimaha Qatar!

Dowladda federaalka ah waxaa ay ka war sugeysaa jawaabta Sacuudiga ee mashaariicdaas, waxaana laga yaabaa in wafdi kale ay Sacuudiga u soo diraan Soomaaliya si madaxweyne Farmaajo loogu cadaadiyo in uu gooyo dalka Qatar, waxaa kale su’aalo badan laga keenayaa sida ay uga soo jawaabi doonaan proposalllada mashaariicda horumarineed ee wasiirrada dowladda ku wareejiyeen dalka Sacuudiga.

Marka aan u soo laabanno go’aankii Madaxweyne Farmaajo uu ka qaatay khilaafka Sacuudiga iyo Qatar waxaa ay caddeyn u tahay hadalo ku jiray khudbad uu ka horjeediyay baarlamaanka 10aad markii uu murashaxa ahaa, hadalladiisa waxaa ka mid ahaa: “…… dalkaan beec maahan,  dadkiisuna beec maahan,  waalidiinteenii iyo aabiyaasheen ayaan ka dhaxalnay”

Sacuudiga jaceyl gaar ah uma qabo Soomaaliya, 25-kii sano ee dagaallada sokeeye shir uma qaban, shilin kiisana lama arag, hadda waxaa uu rabaa in haye raac loo noqdo, waxaa uu dalalka qaranimadooda ku iibsadaa lacago, marka laga soo tago dalalka Masar, Imaaraadka iyo Baxreyn oo maslax gaar ah ka leh go’doominta Qatar, dalalka ka soo haray ee xiriirka u jaray Qatar waxaa ay u iibsan yihiin Sacuudiga.

Tasaale ahaan Libya kooxda ay Sacuudiga taageero waa go’doon oo Riyadh ayaa il u ah , Mauritania waa dal mashaariicdiisa ugu badan ku tiirsan yihiin Sacuudiga, Maldives waxaa ay Sacuudiga safiir u magacaabeen 2015-kii, maanta dadka qaar waxaa ay sheegaan in ay iibsadeen jaziiradaas sida ay u maalgishteen ama saldhigyo Petrol ka ah uga sameysteen darteed, Comoros  waxaa ay ku af tahay Sacuudiga, todobaad ka hor waxaa ay xiriirka u jartay Iran hadana Qatar, dalalkaas oo dhan waxaa uu Sacuudiga lacag u badashaa qaranimadooda.

Dhankae Soomaaliya, Sacuudiga waxaa uu horay ugu diray Muqdisho dalal saxiib la ahaa, Dalalka Sweden iyo Iran waxaa ay weligood taageeri jireen dowladda Soomaaliya, midda hore waa laga raalli-geliyay wixii dhacay halka Iran ay weli maqan tahay, Dahraan uma maqno naceyb loo qabo Shiicada ee waxaa ay u maqan tahay Sacuudiga ayaa sidaa rabo!

Dhanka mashaariicda cusub,  dalka Sacuudiga iyo ballan-qaadyada markii hore uu u sameeyay madaxweyne Farmaajo ma ahyen qaar qalbiga ka soo go’ay oo waxaa ay ahaayeen kuwoo uu ka masareyray dalka Turkiga, arrintaas waxaa caddeyn u ah, qoraal ay dowladda federaalka ah soo saartay, waxaa ku qornaa:

“Booqashada madaxweynaha gaar ahaan kuwa uu ku tagay Khaliijka waxaa ay horseedeen su’aallo ku saabsan geo-political, sida dalka Sacuudiga Carabiya waxaa ay ballan-qaadeen in ay la bar bartami doonaan dalka Turkiga oo haddii Airport dhisaan iyaga dhisi doonaan haddii ay waddo dhisaanna uu Sacuudiga waddo dhisi doono…arrintaas intii la dhihi lahaa waxaa loo tartamaa Soomaaliya, sow lama dhihi karo waa aragtida cusub ee madaxweyne Farmaajo ee arrimaha dibadda”.

Xoolaha: Sacuudiga ganacsiga nagala dhaxeeya waxaa ugu muhiimsan Xoolaha, bishii December ee sanadkii tagay ayey joojiyeen sida uu xilligaas xaqiijiyay Siciid Xuseen Ciid oo ahaa Wasiirka xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa, xoolaha haddii ay caafimaad qabaan waxaa loo iib geyn karaa dhammaan qaaradaha caalamka.

Xildhibaan Dhalxa: Waan Baahanahay Bakhti Looma Cuno…Mashaariic waxaa ka muhiimsan qarannimada

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo muddo dheer ku jiray baarlamaanka carabta waxaa uu qabaa in khilaafkan uu yahay mid Khaliijka dhexdiisa ah, Soomaaliyana ay faa’ido ugu jirto mowqifka  dhexdheexaadnimada ee ay qaadatay, mowqifkaas uu ku sheegay mid taariikhi ah.

Xildhibaan Dhalxa waxaa uu dowladda federaalka ah ugu baaqay in aaney ka gor-gortamin qaranimadeeda oo xitaa haddii Sacuudiga uu lala laabto mashaariicdiisa ay lacagtaas iyo mashaariicdaas ay dowladaha kale bixi karaan, waxaa uu la yaabay mashaariicda shuruuradaha ku xiran ee Sacuudiga.

Berri oo Isniin ah waxaa magaalada Adis Ababa ka furmaya shirka urur goboleedka IGAD,  wafdiga dowladda federaalka ah uga qeybgalaya shirkaasi waxaa ay heystaan fursad qaali ah, waa in madaxda IGAD ku qanciyaan go’aanka dhex-dhexaadnimada ah ee ay ka qaateen arrinta Sacuudiga iyo Qatar iyo in madaxda urur goboleedka bariga Afrika ay taageeraan go’aanka mid ka mid ah xubnaha ururkaasi aasaasay ee Soomaaliya.

Ugu dameyntii, Soomaaliya kuma khasaari doonto go’aanka dhex-dhexaadnimada ah ee ay ka qaadatay khilaafka Sacuudiga iyo Qatar, weliba taa badalkeeda waxaa ay heli doontaa xushmadda dalal badan oo caalamka ah, waa go’aan ku tusinaya  dib u soo  noqoshada sharaftii, karaamadii iyo heybaddii Soomaaliya, haddii aan sidan ku soo soconno waxaa noqon doonaa dal saameyn ku leh gobolka iyo caalamka, qab leh, lagu xisaabtamo oo aan la iibsan Karin.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye