Xog-warran: Hadalka ONLF iyo midka safiir Jamaludiin keeba runta u dhow (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa beeniyey in Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax lagu sii daayey codsi ka yimid dawladda Soomaaliya. Afhayeenka ururka ONLF Caddaani Hirmooge oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax lug ah ku lahayn sii daynta Qalbi-Dhagax.

Hadalkiisa ayaa imanaya laba maalin un kadib markii safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustaf Cumar uu sheegay in Qalbi-Dhagax lagu sii daayey codsiga dowladda Soomaaliya, oo markii hore u gacan gelisay dowladda Ethiopia.

Ayada oo labadan hadal ay is khilaafayaan, ayaan haddana dowladda Soomaaliya aysan weli ka hadal arrintan, mana shaacin inay kaalin ku lahayd sii daynta Qalbi-Dhagax iyo in kale.

Labada hadal ee is-khilaafsan waxaan ku macneyn karnaa

1 – In Safiirka hadalkiisa uu sax yahay, balse laga yaabo in ururka ONLF uusan ka warhayn kaalinta dowladda Soomaaliya ka gashay arrintan. Waxaa xusid mudan in ONLF uu yahay urur aan awood lahayn inuu ogaado siyaasadda dowladda Ethiopia. Waxaa sidoo kale suurto gal ah in kasta oo Qalbi-Dhagax lagu daayey codsiga odayaasha beeshiisa, haddana dowladda Soomaaliya ay gadaal ka riixday arrinta. Dowladda Soomaaliya ayaa horey liiska argagixisada ugu dartay ururka ONLF, waxaana macquul ah in ONLF ay fursaddan uga faa’iideysatay inay mucaaraddada usii badiso dowladda.

2 – Arrinta labaad ee suurta-galka ah ayaa ah in ONLF ay saxan tahay, islamarkaana dowladda Soomaaliya aysan wax kaalin ah ku lahayn sii daynta Qalbi-Dhagax. Qodobkan ayaa waxaa taageeraya xaqiiqda ah in odayaasha beesha Qalbi-Dhagax ay sheegeen in dadaalkooda lagu sii daayey sarkaalkan. Sidoo kale Qalbi-Dhagax oo hadlay ayaa sheegay in sii dayntiisa uu mas’uul ka ahaa kaliya ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

Xaqiiqda ah in sheegashada safiir Jamaaludiin ay asaga un ku kooban tahay, halka tan ONLF ay dhinacyo badan oo kale ay taageerayaan, waxay u muuqataa inay ONLF runta sheegeyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com