Xog-warran: Lixda arrin ee ugu horreeya ee laga sugayo xukuumada Kheyre?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada BFS ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ee uu Hogaaminaayo Ra’isul wasaare Kheyre.

Golaha Wasiirada ayaa waxaa looga fadhiyaa fulinta howlaha shaqo ee loo igmaday waxaana, iyagoo sii ambaqaadi doona howlihii ay qabyeeyen Wasiirada Xukuumada Cumar C/rashiid ee meesha ka baxday.

Howlaha ugu horeeya ee laga doonaayo Golaha Wasiirada ayaa ah ficil ubellaan dareenka xaqiiqiga ah ee maanta ka dhex jira ummada Soomaaliyeed, oo ah in laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa taageero dhaqaale oo ka timaada shacabka taasoo lagu bixiyo danaha Qaranka gaar ahaan taageeridda dadka ay abaaruhu aafeeyeen.

Xukuumada cusub ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa bixinta mushaarka ciidanka iyo sidoo kale maareynta waxyaabaha aasaasiga u ah jiritaanka dowladnimada Soomaliya.

Shaqooyinka laga doonaayo Xukuumada ayaa ah inay ka duwanaato Xukuumadihii hore isla markaana ay dib usoo nooleyso kaabayaasha dhaqaale ee uu dalka leeyahay ka sokoow sameynta howlaha kale ee horyaal.

Shaqadda ugu horeysa ee Golaha Wasiiradda Cusub:

1-Wax ka qabashadda iyo u-gurmashadda dadka abaarta ay saameysay.

2-Dib-u-geegista Miisaaniyadda dowladda Somalia, ee sanadkii hore lagu celiyay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Fargeetti.

3-Dib-u-eegida xaaladdaha amniga dalka iyo wanaajinta xiriirka maamul Gobolleedyadda dalka.

4-Ballan qaadida in ciidamada Somalia iyo shaqaalaha dawlada mushaaraatkooda ay bixiyaan.

5-Dowladd aan xiriir la lahayn shacbigeeda, waxay lamid tahay caruur aanan xiriir la lahayn waaridkood, in ay sameeyaan Xafiiska Xiriirka Dadweynaha.

6-Xallinta xiisadaha soo noq noqday ee u dhexeeya Beelaha Soomaaliyeed ee wada dega hal degmo ama hal Gobol.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa dhowr jeer oo sii horeysay sheegay in Xukuumada Somalia ay ka fiyoownaan doonto Musuqa iyo shaqo yarida waxa uuna ballanqaaday inay ka duwanaan doonaan Xukuumadihii hore.

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumada Somalia ayaa looga fadhiyaa inay la imaado howl-wanaag lagu cirib tiraayo Xumaha laga dhex sheegaayo Xarumaha Dowlada ee daashaday shaqo la’aan iyo nin Jecleysi joogta ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com