Xog-warran: Maxaa Kenya ka raacay kulankii IGAD?

Jimcihii November 29, 2019 waxaa magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu qabtay kulankii 13aad ee caadiga ahaa ee Uruur-goboleedka IGAD. Ururka waxaa la aasaasay 1986 si looga hortago abaaraha waxaana la oran jiray IGADD, balse waxaa loo rogay IGAD sanadku markuu ahaa 1996.

Shirka oo ahaa kulankii ugu horeeyay ee caadi ah oo ay ku kulmaan madaxda goboleedka toban sanadood kadib, ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxda iyo wakiiladda dalalka Eritrea, Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koofur Sudan, Soomaaliya, Sudan iyo Ugaandha.

Inkastoo la filayay in shirka lagu gorfeenayo geedi socodka nabadda Koofur Sudan, haddana waxaa diiradda lagu saaray dibuhabeynta qaab-dhismeedkiisa, iyadoo guddoonka laga dhigay xil meerta ah. Isbedelkaas wuxuu kenay inuu Mudane Cabadalla Xamduuk oo ah Ra’iisul-wasaaraha cusub ee dalka Sudan uu ku soo baxay gudoomiyaha IGAD.

Tobankii sanadood ee la soo dhaafay waxaa si isdaba joogta ah ururka u guddoominayay seddexdii Ra’iisul-wasaare ee isku xigay ee dalka Itoobiya (Meles Zenawi, Hailemariam Desalegn iyo Dr Abiy Ahmed), iyadoo uu uga horeyay jagadda Madaxweynihii Kenya Mudane Mwai Kibaki.

Ra’iisul-wasaare Axmed Abiy oo xeerinayay hab dhaqankii gobolka, ayaa xoghayaha ururka u magacaabay Mudane Workneh Gebeyehu oo u dhashay dalka Itoobiya, iyadoo Kenya ay isku diyaarisay inay la wareegi doonto xilka guddoonka wixii ka dambeya November 2019ka.

Dowladda Jabuuti oo dalka Kenya kula tartameysa musharaxnimada kursiga Midowga Afrika uu ku leeyahay QM, ayaa ka biyo diiday hab dhaqameedka awood qeybsiga IGAD, iyadoo dowladda Soomaaliyeedna ay soo jeedisay in dibuhabeyn dhab ah lagu sameeyo IGAD, si loo xaqiijiyo himiladda isdhexgalka shucuubta gobolka iyo iskaashiga siyaasadda iyo dhaqaalaha dowladdaha.

Falanqeeyaasha Siyaasadda ayaa aaminsan in dib u soo celinta xiriirkii Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo Kenya aysan waxba kaga bedelaneyn Soomaaliya oo aan ehayn inay ka ogolaatay wanaajinta xiriirka, ay sabab u ahayd labo arrin: (1) Jawiga siyaasadda gobolka oo u muuqday inay Kenya ay ku sii socoto godoon; iyo (2) Kenya oo ku ceebowday ka been sheegistii bandhigii shidaalka Soomaaliya ee London, kadib markii Guddiga Khubarada QM uu soo saaray warbixin cad oo sheegaysa inay Kenya ay ku kacday fal been abuur ah.

Si kastaba ha ahaate, iskaashiga seddax geesoodka ah iyo jawiga Geeska Afrika oo isbedelay ayaa Soomaaliya u saamaxay inay gaarto marxalad tala jeedinteedu meel marto. Xilligii Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud ayaa Soomaaliya mar damacday inay u tartanto jagada xoghayahay ururka IGAD mase helin.

Xulufadii Kenya iyo Itoobiya ayaa harcad carqaladeysay habraacii, iyadoo islamarkaasna markale dib loo siiyay xoghayenimadii Mudane Mahboub Macalim oo ka socday dalka Kenya, kadib markii musharaxii Soomaaliya lagu eedeyay inuu gacan saar la leeyahay xajirta.

Wolow, musharixii Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ay caddaatay inuu eedlaawe ka ahaa eedeynta Kenya, haddana dhaqan hoosaadka ururku uma saamaxayn hoggaanka IGAD inuu qabto mus’uul aan ahayn Kenya ama Itoobiya.

Sida muuqata, isbeddelka siyaasadda gobolka waxuu muujinaayaa in dalka Sudan uu dib ugu soo laabtay xeendaabkii dowlad goboleedka Geeska Afrika, halka dowladda Kenya ay u muuqato in la maquuniyay amase ay go’doon ku socoto, iyadoo lid ku ah iskaashiga dhaqaalaha iyo siyaasadda Geeska Afrika.

Xigasho: Jamhuriyadda.com