Xog-warran: Maxaa ku qasbay Imaaraadka inay laba heshiis ku galaan saldhigga Berbera?

Dhawaan waxaa heshiis wada saxiixday maamulka Somailand iyo Imaaraadka Carabta, waxaana heshiiskaas loogu ogolaaday Imaaraadka inay Saldhig Militari oo ay ka duqeeyaan Xuutiyiinta ka sameystaan Berbera taasoo la filayo inay qatar weyn ku noqon doono Wadanka Soomaaliya iyo xiriirka labada dowladood.

Haddaba waxaan dhawaan soo baxday inuu heshiiskaas qeyb ka ahaa Ra’isulwasaarihii waqtigiisa dhamaaday Cumar Cabdirashiid kaasoo la sheegay inuu heshiiskaas ku qaatay lacag laaluush ah oo weliba xad dhaaf ah.

Imaaraadka Carabta ayaa lagu warramay inay bixiyeen laaluush lacageed oo gaaraya 85 milyan oo dollar, oo la siiyey shaqsiyaad iyo kooxo si heshiiskaas uu u meel-maro.

50 Milyan waxaa la siiyey Xisbiga Kulmiye oo hadda maamulo Somaliland halka 35 Milyan la siiyey Cumar Cabdirashiid oo la sheegay inuu heshiiskaas ku matalay Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Haddaba waxaa la isa waydiinayaa maxaa keenay inay imaaraadka laba heshiis ku galaan saldhigga Berbera.

Dadka sharci yaqaanada ah ayaa ku doodayo in  maadaama sharciyan Somaliland ay ka tirsan tahay Somalia  ay sidaas Imaaraadka ku qasbanaatay inay inay saxiix ka helaan dowladda Soomaaliya, taasi oo ka hor-istaagi karta in mustaqbalka saldhigga ay ka horyimaadaan caqabado dhinaca sharciga.

Imaaraadka ayaa ku fakaray inaysan halkaas saldhig ka sameysan karin iyagoo aan fasax ka heysan Somaliland oo ku dhawaaqay inay ka go’aday Soomaaliya inteeda kale, sidoo kalana mustaqbalka haddii maxkamad la geeyo heshiiskaas waxay ku fakartay inay caqabad ku noqon doonto saxiix La’anta dowladda dhexe.

Sidaas darteed Imaaraadka ayaa la xiriiray Ra’isulwasaarihii dowladdii waqtigeeda dhamaaday ee uu calanka u hayey Xasan Shiikh Maxamuud waxayna ka dhaadhacsiiyeen inuu heshiiskaas ugu dhuftay saxiixa dowladda, si dhaqso ah ayuuna Cumar ku aqbalay heshiiskaas maadaama miiska loo soo saaray adduunka lacageed oo uusan ka hor imaan karin.

Sharci yaqaanada ayaa kuu sheegayo inuusan heshiiskaas ansax ka noqon karin dhanka dowladda dhexe haddii aanan la helin ogolaanshaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la og yahay inaan weli la hor geyn Heshiiskaas.

Dhanka kale waxay hadda Baarlamaanka Soomaaliya wadaan arrin caqabad weyn ku noqon karto heshiiskaas maadaama kulanka ugu horreeyo ee baarlamaanka la horkeenayo mooshin lagu diidan yahay heshiiskaas.

Haddii barlamaanka uu ansxiyo mooshinka laga keenay heshiiska Berbera Imaaraadka carabta ayaa ku qasbanaan doonto inay ka fakarto heshiiskaas oo sharci ahaan iyo marka loo fiiriyo heshiisyada caalamiga ah aan ansax aheyn.

Khilaafka labada dowladood Soomaliya iyo Imaaraadka ayaa cirka isku shareeray markii ay Imaraadka safiirkoodii kala baxeyn Soomaaliya iyagoo ka xanaaqay dacwadii uu Farmaajo u gudbiyey Sacuudiga kaasoo uu ku dalbaday inay Imaaraadka ka deyso faragelinta ay ku heyso Soomaaliya.

Inkastoo ay Imaaraadka ka dhawaajisay inaysan safiirkeeda kala bixin Soomaaliya oo uu ku maqan yahay arrimo khaas u ah isaga haddana waxaa jirto oo aan qarsooneyn inay imaaraadka ka xun tahay tallabada ay dowladda Soomaaliya uga hor imaatay heshiiskaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com