Xog-Warran: Musharaxiinta ku qabso ku qadi meyside (Q. 2-aad)

Muqdisho (Caasimada Online) – Qormadan labaad ee musharaxiinta KU QABSO KU QADI MEYSIDE.waxaan ku soo qaadaneynaa musharaxiinta kala ah. Dr. Cabdinasir Cabdulle Maxamed iyo Cabdulqaadir Xaashi Cali.

Waa kuma Dr. Cabdinasir Cabdulle Maxamed. Waxaa uu ku dhashay gobolada dhexe, inkastoo dadka qaarna ay sheegeen in uu Muqdisho ka dhashay. Baaritaan dheer kadib Caasimada Online ma xaqiijin karto meesha uu ku dhashtay Dr. Cabdinaasir.

Dr. Cabdinasir, malaha taariikh siyaasadeed. Sida dadka aadka u yaqaan ay sheegeen waa nin qunyar socod ah. Waxaa uu waxbarashadiisa dugsiga hoose/sare ku dhameystay dalka Kenya, waxaana uu soo galay dalka Mareykanka horraantii sagaashameeyada, isagoo markaa ku soo degay Xuseen Caydiid oo ay ilmo adeer yihiin, gobolka North Carolina. Dr. Abdinasir ayaa waxbarashadiisa ku dhameystay Jaamacada North Carolina State University, halkaas oo uu ka qaatay shahaada barashada cilmiga Dentiistaha.

aididDr. Cabdinaasir malaha khibrad siyaasadeed, mana aha shaqsi aad looga yaqaan masraxa siyaasadda. Waxaa uu ku dhawaaqay in uu yahay musharax horraantii bishii May 2016, isagoo uga dhawaaqay magaalada Minnesota.

Waxaauu sheegtay in uu musharax u yahay xisbiga Gurmad, Xisbiga Gurmad ayaa soo saaray war murtiyeed ay ku beeninayaan in Cabdinasir uu u yahay musharax ka tirsan xisbiga Gurmad. Caasimada Online ayaa la xiriirtay Gurmad, waxaana email aan ka helnay Gurmad aay ku caddeeyeen in aanu ka mid ahayn Cabdinasir ururka Gurmad, murashaxna aanu u ahayn ururkaas.

Caasimada Online ayaa waxaa aay sidoo kale email kula xiriireen Dr. Cabdinasir in uu ka jawaabo muranka ka yimid ka tirsanaashahiisa ururka Gurmad. Dr. Cabdinaasir kama aanan helin wax jawaab ah.

Waa Kuma Cabdulqaadir Xaashi Cali. Musharaxan ayaanan ilaa hadda ka helin wax macluumaad oo ku saabsan taariikh nololeedkiisa iyo middiisa waxbarasho. Waxaan ogaanay oo kaliya in uu ka mid ahaa murashaxiintii 2012, kaddibna saacadihii ugu danbeeyay ka tanaasulay murashaxnimadiisa. Sida ku qoran boggiisa Facebook waa nin ganacsade ah oo deggan dalka Mareykanka, gobolka Ohio.

fishCabdulqaadir Xaashi waa murashaxa kaliya oo sameystay bog uu bulshada ku weydiisanayo in ay ku caawiyaan dhaqaale uu ku tartamo, isagoo hiigsigiisa dhaqaale ka dhigay $500, 000 (Shan boqol oo kun) oo doollar.

Dadka Soomaaliyeed waa in ay la yimaadaan hannaan lagu xakameeyo shaqsiyaadka aan lahayn aqoon, khibrad siyaasadeed, karti iyo hufnaan aay ku tartamaan, kuwaasoo caadeystay in aay isu soo taagaan jagooyinka waa weyn. Waa in la siiyaa muhiimad iyo qadarin weyn tartanka madaxtinimo ee Soomaaliya si loo helo rag iyo dumar badbaadin kara qarankan sii burburaya.

Caasimada Online waxaa aay ballan qaadeysaa in cid walbo oo ay u aragto in aanay soo buuxin karin shuruudaha laga rabo u tartanka jagada sare ee Madaxweyne in aay shacabka u soo bandhigi doonto taariikhdooda, iyo sumcadda ay ku dhex leeyihiin bulshada Soomaaliyeed, kuna dari doonto liiska KU QABSO KU QADI MEYSIDE.

Qormada xigta oo aad u xiiso badan, waxaan ku soo qaadan doonaa, taariikh nololeedkii murashaxiinta KU QABSO KU QADI MEYSIDE, oo kala ah: Cabdiraxman Cabdishakur.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com