Xog-warran: Qaab noocee ah ayuu Shariif Xasan ula shaqeyn doonaa madaxweyne Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Shariif Xasan Shiikh Aadan waa siyaasi aan inta badan ku fashilmin waxyaabaha uu damco inuu sameeyo wuxuu siyaasadda dalka kasoo qabtay jagooyin kala duwan isagoo soo maray weliba marxalado kala ad adag.

Shariif Xasan waa nin caqli badan sidoo kalana yaqaan meesha siyaasadda ku dhamaaneyso, kuna darso xisaabta waa nin yaqaan guul iyo guuldaro, maalinta ay siyaasadda dhiniciisa usoo dhacdo si fiican ayuu u maamushaa markii laga guuleystana wuxuu raadiyaa wadooyin kale.

Sidee ayuu ula shaqeyn doonaa Farmaajo

Shariif Xasan midda ugu weyn oo uu siyaasyiinta ugu duwan yahay waa inuusan inta badan saxaafadda la wadaagin mowqifkiisa, waxa uu damacsan yahay iyo cidda uu la safan yahay.

Maadaama uusan Shariif siyaasadiisa saxaafadda la wadaagin waxaa aad u adag in la ogaado haddii uu si fiican ula shaqeyn doono madaxweynaha cusub ee Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo haddii kale.

Dadka falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya ayaa ku aragti duwanaaday qaabka uu noqon doono xiriirka dowladda dhexe ee uu Farmaajo hoggaaminayo iyo maamulka Goboleedka Koonfur Galbeed oo uu horkacayo Shariif Xasan.

Qaar kamid ah fallanqeeyayaasha ayaa aamisan inuu Shariif Xasan siyaasadiisa wax badan ka badali doono maadaama uu dalka qabsaday hoggaamiye heysto taageerada shacabka sidoo kalana ay meesha ka baxeyn siyaasiyiintii uu xilfaaltanka siyaasadeed kala dhaxeeyey.

Halka kuwa kale ay aaminsan yihiin inuusan Shariif Xasan isbadali doonin oo uu sii wadi doono magacii uu ku can baxay ee ahaa Shariif Sakiin isla markaasna uu dowladda mucaaradi doono haddii uu ka waayo danihiisa siyaasadeed.

Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa isagoo difaac ku jiro wuxuu soo dhaweeyey doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Soomaaliya iyo Guushii Farmaajo waxaana soo dhaweyntaas lagu fasiray inay ku socotay guuldaradii weyneyd ee ku dhacday madaxweynihii hore Xasan Shiikh oo uu kala dhaxeeyey dagaal siyaasadeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Farmaajo ayaa dhankiisa ballan qaaday inuu si fiican ula shaqeyn doono maamula Goboleedyada dalka ka jiro waxaana laga yaabaa inuu Shariif Xasan isbadalo oo uu taageero Farmaajo haddii uu ka arko siyaasadda dabacsanaan ah iyo awood qeybsi.

Ugu dambeyntii waxaa laga war sugayaa sida uu noqon doono xiriirka dowladda iyo Maamul Goboleedyada koonfur Galbeed marka ay dowladda shaqeyso muddo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com