Xog-warran: Saldhiga Imaaraadka ee Berbera iyo dagaalka Badda Cas

Waxaa todobaadkan labada Aqal ee Somaliland si wadajir ah u ansixiyeen qorshaha Dowlada Imaaraatiga ku dooneyso inay saldhig militari uga sameysato Madaarka iyo deegaano ku yaal xeebta magaalada Berbera.

Heshiiskan ayaa ah mid muddo soo socday balse aan si rasmi ah weli loogu soo bandhigin bulshada iyo waliba xildhibaanada Somaliland ee ansixiyey.

Buuqii iyo gacan ka hadalkii ka dhacay Baarlamaanka Somaliland ayaa salka ku hayey in Xukuumada Siilaanyo ay diiday inay soo bandhigto heshiiska rasmiga ah, waxayna u adeegsatay ciidamada booliiska inay xoog kalfadhiga uga saaraan xildhibaanadii codka dheer ku diiday in heshiiskan la ansixiyo.

Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani iyo xildhibaanada kasoo horjeeday heshiiskan ayaa ku dooday in Dastuurka Somaliland ay ka horimaaneyso in la ansixiyo qorshahan iyadoo aan si dhameystiran loo soo bandhigin qoraalka heshiiska lagu galay, balse xukuumada Somaliland ayaa Baarlamaanka u gudbisay oo kaliya xog kooban ama Qoraal lagu sheegay nuxurka heshiiska oo intiisa badan ka hadalaya faa’iidooyinka laga helayo waxa lagu tilmaamay maalgashiga Imaaraatiga ee Somaliland.

Xukuumada Somaliland ayaa ku dooday inay u baahan tahay saaxiibo caalami ah maadaama aysan weli ku guuleysan mashruuca Ictiraaf raadinta, iyadoona u sababeysay in heshiisyada noocaan ah ay mustaqbalka ka caawin doonto aqoonsi caalami ah.

Hase yeeshee xildhibaanada dhaliilsan ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee Xukuumada Somaliland usoo bandhigi weyday heshiiska ay la gashay dowlada Imaaraatiga ay tahay mid muujineysa in xukuumada Somaliland ka tanaasushay Madax banaanidii ay sheeganayeen.

Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraatiga

Heshiiskan dhexmaray Somaliland iyo Imaaraatiga ayaa waxaa la xaqiijinayaa inay si dhaw ulla socotay Dowlada Federaalka ee Soomaaliya, isla markaana Xukuumada Abu Dhabi ay arrintan u bandhigtay Villa Somaliya oo ogolaaday in Imaaraatiga saldhigan sameysto balse ku xiray “Shuruudo”.

Sida laga soo xigtay Diblumaasiyiin ku sugan Safaarada Soomaalida ee Abu Dhabi ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka Soomaaliya kula heshiisey dowlada Imaaraatiga inay dhulkaasi uu ka tirsan yahay dhulka hoos yimaada Dowlada Soomaaliya iyagana mar walba lagala tashado, arrintaasi oo meesha ka saareysa qorshihii ahaa ictiraaf raadinta ama madax banaanida Somaliland.

“…Maalgashiga iyo Saldhiga Imaaraatiga ka sameysanayo Somaliland marnaba looma adeegsan karo wax kasta oo lid ku ah Madax banaanida iyo Midnimada Soomaaliya….” ayaa kamid ah qodobada Villa Somaliya ku xirtay mashruucaasi.

Shuruuda Dowlada Federaalka ku xirtay saldhigan ayaa la sheegay inay aqbashay Xukuumada Siilaanyo ee Somaliland oo arrintan damac dhaqaale uga jiray hirgelinteeda.

Waana arrintan midda keenaysa diidmada xoogan ee Xisbiga mucaaridka Somaliland uga soo horjeedo heshiiskan in la ansixiyo.

Imaaraatiga ayaa hada kamid ah dowladaha gacanta siinaya Federaalka Soomaaliya sidii dib loogu dhisi lahaa ciidanka Qaranka, waxayna dowladaasi sidoo kale deeq siisaa Dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Qorshaha Imaaraatiga iyo Gacanka Cadan / Baba Al Mandeb

Dowlada Imaaraatiga oo kamid ah xulafada dalalka Khaliijka ee hada dagaalka kula jira Shiicada Yemen ee Xuuthiyiinta oo taageero ka hela dowlada Iran ayaa horey saldhigyo uga sameystay gudaha dalka Yemen gaar ahaan koonfurta iyo nawaaxiga magaalada Cadan halkaasi oo ay ka taageeraan dowlada Cabdulrabi Hadi Mansuur.

Balse qorshaha Saldhiga Berbera ayaa ah mid ku aadan mustaqbalka fog iyo dagaalka u dhaxeeya Khaliijka iyo Iran oo iyaduna dooneysa inay awood ku yeelato gacanka Cadan.

IRAN iyo Imaaraatiga

Dowlada Iran oo hada isu diyaarineysa weerar uga imaan kara Maraykanka ayaa horey u sheegtay in hadii wadankeeda wax duulaan ah uga yimaado Maraykanka oo xulafo la ah dalalka Khaliijka inay gebi ahaan jari doonto Gacanka Strait of Hormus taasi oo xiri doonta dhamaan dhaq dhaqaaqa dhinaca bada ee dalalka khaliijka gaar ahaan Imaaraadka Carabta.

Iran ayaa sidoo kale qorsheenaysa inay awooda ku yeelato Gacanka Cadmeed ee Bab Al Mandeb oo ah midka ugu muhiimsan oo ay Maraakiibta maraan.

Waxay Iran sanadihii lasoo dhaafay xiriir dhaw la yeelatay dalka Eritera, waxaana xusid muddan in hogaamiyaha Eriteraya Issaq Afawarke uu kamid ahaa madaxda faro ku tiriska ah ee horey sida tooska ah u taageeray Barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.

Eritereya iyo IRAN

Labadan wadan ayaa sidoo kale ka mideysan cadaawada ay u qabaan dowlada Sucuudiga oo ay xulafo yihiin Imaaraatiga, waxaana jira cabsi laga qabo in labadaasi dal (Eritereya iyo IRAN) ay iska kaashadaan sidii khal khal loo gelin lahaa amniga Gacanka Cadan iyo Bada Cas oo ay maraan inta badan maraakiibta shidaalka Khaliijka u gudbisa dalalka reer Galbeedka, waa hadii uu Maraykanka weeraro wadanka IRAN.

Xukuumada Eritereya ayaa sidoo kale dalkeeda u ogolaatay inay saldhig ka sameysato IRAN, waxaase la yaab ah in sidoo kale ay u ogolaadeen Israel inay iyaduna saldhig ka sameysato. Eritereya ayaa ah dalka kaliya oo ay IRAN iyo Israel oo aad isu neceb ay labaduba saldhiyo ku leeyihiin.

Itoobiya iyo Somaliland

Dowlada Itoobiya oo iyadu si gaar ah isha ugu heysa deegaanada Somaliland iyo dekkada Berbera ayaa markii hore ku taageersaneyd Imaaraatiga inuu maalgashto Dekkada Berbera iyo waliba inay iska kaashadaan khaliijka cadaadinta Eritereya balse Addis Ababa ayaa fikir kale ku dhashay kadib markii Villa Soomaaliya iyo Xukuumada Siilaanyo ogolaadeen Saldhiga Militari Imaaraatiga doonayo inuu ka sameysto magaalada Berbera.

Macada in Itoobiya ay mustaqbalka fog qorshe militari la damacsan tahay Somaliland balse waxaa hubaal ah inay u aragto Saldhiga dal Carbeed ka sameysto Somaliland mid ka horimaaneysa qorshahooda dheer ee mustaqbalka, taasi oo Itoobiya uga muhiimsan faa’iidooyinka dhanka dhaqaalaha ama ganacsi.

Itoobiya ayaa sidoo kale ka cabsi qabta in dalka Masar ay ku lug leedahay danaha Imaaraatiga ku doortay Berbera, maadaama dowladaha Masar & Sudan iyo Itoobiya ay isku heystaan weli mashruuca biyo xireenka Wabiga Nile oo ay ku xiran tahay nololasha dalkaaasi Carbeed.

Waxaa diyaariyey: Keyse Adan