Xog-warran: Waa sidee xaalka Gen. Gabre kadib doorashadii Farmaajo?

Malaha, min Carruur illaa Cirroolle’, si weyn ayay u hadal-hayaan magaca Gabare, inkastoo laga yaabo in qaar badan aysan xitaa garaneynin muuqaalkiisa, laakiin waa nin saameyntiisa laga dhex dareemay guud ahaan Soomaaliya.

Waa dhaqan soo jireen ah in dadyowga Soomaaliyeed iyo kuwa Itoobiyaanka aysan is-jecleyn, laakiin sida la sheego, Gabre, waa nin aad ugu dhex-milmay siyaasadda Soomaaliya, illaa heer ay dadka qaarkii ku tilmaameen inuu qaatay kaallintii Nabaddoonnada Soomaaliyeed, waayo, waxaa uu sawirkiisa ka soo dhex muuqdaa munaasabbad walbo oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya gudaha iyo dibaddaba, sida dib-u-heshiisiinta.

Tusaalle, waxaa uu goob joog ka ahaa, shirarkii lagu dhissayay maammul goboleedyada qaar ee dalka, sida la rumeysan yahay oo ay Caasimaddana horrey dad uga warreysatay, mararka qaar waxaa uu Oday dhex-dhexaadiye u ahaa siyaayiinta Soomaaliyeed ee isku khilaafa aayaha dalka, taasna ma aheyn wax raalli-geliyay bulshada.

Billihii dabe, waxaaa uu Gabre caan ka ahaa baraha bulshada, isagoo Soomaalidu uu u noqday bar-tilmaameed lagu dhaleeceeyo waxii la doono.

Inkastoo aysan xaqiijin karin Caasimadda.com, haddana Gabre waxaa lagu xantaa inuu saaxiib la yahay qaar ka mid ah, madaxda dowladda federaalka ee uu waqtigeedu dhamaaday iyo xitaa hoggaamiyaasha maamul goboleedyada.

Dadku waxay is-weydiiyaan waa kuma Gabre?

Gabre waxaa uu talliye sare ka ahaa ciidammadii Itoobiya ee sanaddii 2006-dii gudaha Soomaaliya kula dagaallamay Maxkamadihii islamaamiga oo markaas mucarrad ku ahaa dowladdii AUN marxuum, madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed.

Soomali badan oo aqoon iyo garashaba leh oo uu ku jiro siyaasi Tarsan ayaa ninkan ku eedeeyay inuu dad ku laayay gudaha caasimadda, laakiin taasi kama reebin inuu ka haajiro Muqdisho oo uu haddaba deggan yahay, sida ay ogaatay caasimadda.

Waa sidee mustaqbalka Gabre ee Soomaaliya?

Marka la eego baraha lagu wada xiriiro ee bulshada, waxaa dhex yaacaya sawirrada Gabre oo loogu goodinayo inuu dalka ka tarxiili doono madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kaasoo aan aad ugu jillicsaneyn dowlaha deriska ah.

Sida aan oggaanay, dowladda cusub ayaa ka baaraan dageysa qaabkii ay maamulka Itoobiya ugu qancin laheyd in shacabka Soomaaliyeed ay diidan yihiin joogista Janaraalkan ee dalka, sidaas darteedna ay hammineyso in lagu celiyo dhulkiisa oo lagu soo baddelo diblomaasi kale.

Walow aynaan xaqiijin karin, waxaa la sheegayaa in Gabre uu dowladdiisa ku caadin doono inaan laga wareejinin howsha uu ka hayo gudaha Soomaaliya, isagoo ku andacoonaya inuu si weyn u bartay shacabka uuna hage sare u yahay howl-galka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.

Laakiin siyaasiyiin badan oo ka tirsan Xisbiga Daljir oo haddana is-baheysi dhow la ah madaxweyne Farmaajo ayaa durba bilaabay olole ka dhan ah joogista Gabre ee caasimadda.

Maxaad akhriste ka aaminsan tahay sarkaalkan Itoobiyaanka ee Gabre?

W/Q: Mohamed Osman Habib

Fallanqeeye ka tirsan Caasimada Online