8 sabab oo Soomaalida ay ku jeclaadeen madaxweyne Farmaajo

Dagaal siyaasadeed oo daba-dheeraaday kadib, Soomaaliya waxay yeelatay madaxweyne cusub oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Mudane Farmaajo, ayaa doorashadii madaxtinimmada ku garaacay rag magac weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya ama ugu yaraan ay shacabku garanayaan ama haddii sida kale loo dhiggo, Tujaar ah oo lagu xanto in aysan waxba u arkin bixinta dhaqaalaha.

Waxaa la aaminsan yahay in Farmaajo uu yahay msuaharraxii ugu shacbiyadda iyo taageerada badnaa sanadihii la soo dhaafay ee dalka soo maray, dadka qaar ayaa dhihi kara, waaba siyaasigii loogu jeclaa ebid, laakiin taas ma xukmineyso Caasimada Online ee waa arragtida dadweynaha ee hadba kala heerka ah. Adigane akhsriste, xor ayaad u tahay fikirkaaga.

Shaki kuma jiro in dad badani ay is-weydiinayaan sababta aadka loogu jeclaaday Farmaajo oo waliba la tuhunsan yahay in uusan jeeb buurneyn ama hantiille aheyn.

Haddaba, 8 arrin ayaa sabab u ah in shacabku ay jeclaadaan Farmaajo.

1 – Waa nin ugu yaraan wax ka fahamsan sida loo jiheeyo bulshada ama loo tuso waxyaabaha ay u baahan yihiin ee muhiimka u ah noloshooda.

2 – Waa shakhsi aad ugu cel-celiyada erayada dadka rajo-gellin kara,sida, “Nabad waa la heli karaa,- Midnimmo ayay Soomaaliya faceed isaga dhicin kartaa,-waan isku tashan karnaa IWM. Dadka Soomaaliyeed waa kuwo aad uga hela erayada waddaniyadda ama kicinta dhanka wanaagsan ah.

3 – Waxaa uu si dadban u weeraraa dalalka deriska ah, si aan gambasho la heyn ayuuna u sheegaa inay jiraan dalal badan oo diidan dib u soo laabashada awooddii ay beri lahaan jirtay Soomaaliya. Shacabka badankiis waxay qofka leh dhaqammadan ku sifeeyaan inuu yahay waddani quursada shisheeyaha, dhankaasna la gama maro dadka Soomaaliyeed.

4 – Waa mas’uul jecel inaan looga hormarin ka hadalka dhibaatooyinka noloeed ee bulshada, sida arrimaha abaarraha, barakaca ama xitaa musiibooyinka kale, waliba waxaa uu ku dhiiradaa inuu booqdo dadka dhibban haddii uu awoodo, taasi waxa ay siisay kalsoonida kuwa rajodoonka ah ee aaminsan in la illoobay oo la deyriyay.

5 – Ma ahan nin isla-weyn oo ka dheeraada dadka doon doona xiriirkiisa, waana astaan ay shacabku ku amaanaan qofka ay la dhacaan dhaqankiisa.

6– Waa siyaasi aan qiimo badan siinin ka hadalka ama raadinta Hantida gaar ahaaneed, tani waa mid ka mid ah astaammaha ugu horreya ee lagu jeclaado hoggaamiye daleed ama mid bulsho.

7 – Waxaa uu jecel yahay in la nooleeyo ciidamada, isagoo muhiimmad siinaya amniga. Shaki kuma jiro in qof waliba oo Soomaali ah uu si un uga wel-welo bad-qabkiisa, sidaas darteed, ayaa loogu kalsoon yahay mudane Farmaajo.

8 – Dadka yaqaanna oo ay isla soo shaqeeyaan ayaa sheegaya in uusan aqoon eex, oo uu dadka ku xusho hadba kartidooda. Cadaallada oo baahi badan looga qabo dalka darteed ayay dad badani u taageeraan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Akhrsite, waxaad fursad u heysataa inaad noqoto Farmaaja-ha 2-aad ee Soomaaliya haddii lagaa helo astamaahan kor ku xusan.

W/Q: Mohamed Osman Habib

Fallanqeeye ka tirsan Caasimada Online