Xog-warran: Yaa hortaagan xuquuqda gobalka Banaadir?

Gobalka Banadir wuxu ka mid yahay Gobalada ama hantida ugu facawayn oo ay leeyihiin dadka somaliyeed ee degan Gobalkan.

Taariikhda Gobalka waa arin maskaxda lagu wada haayo oo ay ka dhex muuqaneeyso sharafta, karaamada, magac wanaagsan Geeesinimo iyo guul oo ay u soo hooyeen Dowladnimada Somaliyeed hadaba waxaa iswaydiin mudan maxay ku waayeen Xuuuqda  siyaasadeed sida matilaada ay heleen Gobalada kale ee dalka somaliya.

Marka dhinac kasta laga eego shacabka Somaliyeed ee ku nool Gobalka Banaadir waxay dareensanyihiin muruga, nasiibdaro wayn ee ku dhacday dadwaynahaas Somaliyeed ee degan Gobalka Banaadir,

  1. Miidnimo:

Shacabka dagan Gobalka Banaadir waxay qirayaan in miidnimada Umada somaliyeed ay tahay lama taabtaan waxayna ka bilaabataa Cadaalad ijtimaaci ah oo hadii ay meesha ka baxdona  aney imaan Karin sinaan ijtimaaci ah, sida la wada ogyahay hadii labadaa qodob la helo ayaa midnimada la gaarayaa oo waa isku xeranyihiin si loo higsado iyo midinmo iyo horumarka umadda Somaliyeed hadaba shcabka Gobalka Banadir waxay doonayaan cadaalad.

Iima muuqato in Miidnimada umada Somaliyeed la gaarikaro inta  xuquuqda shacabka Gobalka Banadir layska indhatiraayo.

  1. Culays siyasadeed:-

Gobalka Banaadir waxaa dul degan dowladii Somaliyeed oo dhan, oo ay u soo dulqadanayeen marxaladihii kala gedisnaa ee dalka Somaliyeed soo maray, waxay mudan yihii in wanaag loogu  abaalgudo ee ma mudna in culeey siyaasadeed la duldhogo ama layska indha tiro matilaadii ay ku lahaayen Xildhbaanada Aqalka Sare iyo Xildhibaanada Aqalka hoose ee Barlamanka Somaliyeed.

Waa arin lala yaabay in shacabkii sidaas dowlada u garab istagay in laysku tuurtuuro ama qaar masuuliyiita ka mid ah la quruxbadnatyay in ay yirahdaan Gobalka Banaaadir Caasimada ayaa dul fadhido oo xuquuq malaha!!!!!!!.

  1. Caasimada iyo Gobalka:-

waa laba waxyaabood oo aad iyo aad u kala gedisashaqana oo aan shaqa iskulahayn. Gobalka Banaadir wuxuu ka midyahay 18kii Gobal ee jiray ka hor 1991kii, waana in uu helaa xuquuqda ay heleen Gobaladasi , sida mataada 2da Aqal

Gobalka ma guuri karo oo Gobalkale lama hoos gayn karo, Lakin Caasimadda way guuri kartaa oo waxay hoos tagi kartaa Gobal kale.

Sidaas darted Shacabka ku nool Gobalka Banaadir waxay xaq u leeyihiinin ay helaan mamul u gaar ah oo ay kula shaqeeyaan Dowlada Federalaka ah ee Somaaliya sida gobalada kale.

Hostage/Afduub:-

Sidda la wada ogyahay Gobalka Banadir waa Gobal Qani ah ee awood u yeeshay in uu haayo dowlada Somaliyeed hadaba Gobalka Banadir wuxuu u afduubanyahay dhaqaalihiisa oo keentay in ay dadka qaar ay aminsanyihiuin maxaan cunaynaa hadii shacabka dagan Gobalka Banaadir lo ogolaado mamuul Gobaleed

Dadka sidaas aminsan waxaa hagaagsanayd in ay ilaah tala sartaan ileen ilaahbaa risaqa bixiyee mana jirto wax ay u dhimeen shacabka degan Gobalka Banaarir.

  1. Qabya qoraalka:
  2. weli afti loo qadin, weli waa fikrad shaqsi ah oo aan laysku raacsanayn, sidaas darted  laguma  dhaqikaro Gobalka Banaadir inta afti looga qaadaayo si loo helo wanaag iyo cadaalad, waayoo waxaa ku jira  kalimado ka soo hor jeedo xuquuqda shacabka Gobalka Banaadir oo ay macquul tahay in ay  abuuranto xiisad siyasadeed oo aan loo baahnayn hadaba Gudiga dib-u eegista dastuurka waa in ay ka ilaaliyaan Dastuurka wax kasto  ee  iska horkeeni karo shacabka somaliyeed.

W/Q: Dr.  Hussein Ali Nuur
E-mail abcalinuur@hotmail.com

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET