Xog-warran: Sidee ayey Ethiopia saami lacageed uga heshay dekada Berbera?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa saami gaaraya 19% ku yeelanaysa lacagta dekada Berbera kasoo xaroota, kadib markii dekadaasi ay la wareegtay shirkada DP word oo laga leeyahay Imaaraatka Carabta.

Lacagtaasi ayaa yeelatay micno badan, waxaase markii ugu horeysay ka hadashay Somaliland oo sharaxaad ka bixisay sababta dowladda Ethiopia ay saamigaasi ugu yeelatay dekada Berbera.

Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige oo la hadlay VOA ayaa sheegay in shirkada DP ay Ethiopia siisay lacagtaasi saamiga ah, waxayna qeyb ka tahay saamigii shirkada ku aadi lahaa.

Afhayeenka wuxuu sheegay in sharciga caalamka uu qabo in shirkada heshiis lala galo inay lacagta ay heleyso siin karto cidda ay dooneyso., sida uu sheegayna Ethiopia ay saamigaasi ka heshay Shirkada DP Word.

“Saamiga la siiyay Itoobiya ee 19% ma ahan mid ay bixisay Somaliland, Shirkadda DP World ayaa siisay”ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo wareysi siiyay Idaacada VOA.

Somaliland ayaa saami ahaan dhaqaalaha kasoo xarooda dekada Berbera waxay heleysaa 35%, halka DP word ay leedahay 65%, waxaana muuqata in 19% ay siisay dowladda Ethiopia.

Micno ahaan sababta arintaan ka dambeysa ayaanan la ogeyn.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET