Aamino Muuse oo banaanka soo dhigtay dhibaato xoog leh iyo xad gudub uu u geystay Yuusuf Garaad

Aamino Muuse Wehliye oo ah wariye Soomaaliyeed oo weliba Haween ah ayaa waxaa si xun ula dhaqmay Yuusuf Garaad Cumar oo ahaan jiray Madaxa BBC Soomaali, markaasna Aamino waxay aheyd Shaqaale ka tirsan BBC-da, wuxuuna ku sameeyey sida ay qortay waxyaabo uusan sameyn karin qof damiir leh oo weliba ah nin rag ah, wuxuu falka ku sameenayana ay tahay Hooyo Soomaaliyeed oo korineyso ilmo Soomaaliyeed oo ku nool wadan ka baxsan Soomaaliya oo ay barakac ku joogaan.

Ninkii intaas oo dhibaato ah isagoo BBC oo shaqaale yar joogaan ku sameeyey hooyadaan Soomaliya iyo shaqaalihii ayaa hadda ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, waxaana is waydiin mudan sida uu mas’uuliyaddaas uga soo bixi karo.

Aamina Muuse Wehliye oo bilowda taxano ay uga sheekeeneyso dhibaatadii arxan darada aheyd ee uu ku sameysay Yuusuf Garaad ayaa waxaad si joogta ah ugala socon doontaa Caasimadda Online ilaa ay ka dhameeneyso, maanta waxaan idin soo gudbineynaa qeybta koowaad ee tixanahaan oo ay soo daabacday:

Hor-dhac (Preview):

Ma garanaayo ilaa iyo haddatan la joogo oo muddo dheeri ka soo wareegatay sababta uu ninkaasi igu maagay, mana garanaayo waxa aan ka bi’iyey, wuxuuse iigu xadgudbay si weyn, wuu i ciilay anigoo weliba ku nool dal aan la isku ciili karin oo sharcigu ku xoog badan yahay, malaha Soomaalinimadaan ugu turayee, malaha dumarnimadaa i nugleysiisay, malaha shaqada ha waayin baan is lahaaye, malaha dalkaagi dagaal baa halakeeyey shaqana kama jirto ee halkaan isku dhaji baan is lahaa, malaha caruur baad korsataaye ceyr ha mudan baan is lahaa, malaha, malaha, malaha ma garan karo sababta aan intaas oo dhibaato ah ugu dul qaatay, mudo sidaas u dheer.

Wuxuu igala dagaalay in aan horuumaro dhanka shaqada, wuxuu geed dheer iyo geed gaaban u istaagay in aanan dallicin, wuxuu ku tuntay xuquuqda asaasiga ah ee shaqaalenimo, kaligeyna ma ahayne badanaa shaqaalihii kale oo ila shaqeynaayey ayuu ku wada xadgudbaayey, laakiin aniga teydu waxey ahay maalin kasta, ma istaagto soo taagan oo aanu maalinna fasax ka qaadan, wuxuu noqday qofka ugu badan oo aan ka welwelo har iyo habeen muddo kow iyo toban sannadood ah oo uu madax ii ahaa.

Subaxdii markaan hurdada ka tooso oon shaqada isu diyaarinayo, waxaan la fekeri jiray bal waxa aan maanta kala kulmi doono, siduu iila dhaqmi doono, intaan shaqada u sii socdo oo aan trainka sii saaranahay, waxaan ka welweli jiray sida maalinteydu noqon doonto, markaan shaqada soo dhameeyo intaan aqalkeygii u sii safraayana waxaan ka ilmeyn jiray uurka iyo indhahaba wuxuu maalintaas igu sameeyey, siduu iila dhaqmay iyo siduu ii bahdilay.

Wixii i soo maray aniga iyo Ilaah iyo isaga igu gabood falay uun baa og, waase lama ilaawaan,waxaan xadgudbyada uu igula kacay ku mutay xanuun weyn, waxaana noqday dhibane aan cid difaaceysaahi jirin, ma hubo in aan cafin doono iyo in kale balse waxaan hubaa in aanan ilaawi doonin xasuusta mahadhada ah ee ay ugu reebeen xadgudubyadaas uu igula kacay nin ka madax ah meel yar oo iskaba kooban, shaqaale aan ka badneyn gebigoodaba 20 qofoodna ka shaqeeyaan, waase mahadho taariikhi ah.

La soco qormooyin taxane ah oo ah qiso dhab ah oo aniga i qabsatay, waxaadna tixanahaas kala socon doontaa Caasimadda Online

W/Q: Amina Muuse Weheliye.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET