25.9 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Wasiir banaanka soo dhigay howlo ka socda dalka oo aysan la socon DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa shaki lixaad leh galisay ka warqabka mashaariicda ay Hay’adaha caalamiga ah ka wadaan gudaha iyo Gobolada dalka.

Jamaal Maxamed Xasan oo ah Wasiirka wasaarada qorsheynta DFS ayaa sheegay inaanu jirin Mashaariic rasmi ah oo ay la socto dowlada.

Wasiirka waxa uu sheegay in mashaariicda ka socta Somalia ay tahay kuwo leysku hoos qarinaayo waxa uuna cadeeyay in la sameynaayo Guddiyo dabagal oo ay yeelan doonto Wasaaradiisa.

Waxa uu Wasiir Jamaal Maxamed Xasan sheegay in wasaaradiisu ay dabagal ku samayn doonto mashaariicda kala duwan ee hay’adaha caalamiga iyo dowladaha caalamku ay fuliyaan guud ahaa dalka.

Wasiirka wuxuu xusey in haddii aan dabagal lagu sameynin dhaqaalaha dalka ay ugu deeqaan dowladaha Caalamka isla markaana loo soo dhiibo hey’adaha ajnabiga ah ay dhici doonto in Soomaalida ay yihiin kuwo musuq maasuq ah oo aan wax lagu aamini karin.

”Dhammaan baaritaanada aan sameynay waxaa nooga soo baxay macluumad waafi ah, waxaan weynay hal mashruuc oo lagu fuliyay si caafimaad qab ah, waxaa saldhig u ahaa musuq”

”Dowladu gaar ahaan Wasaarada haddii aysan is hortaagin mashaariicda waxa ay Somalia isku bedeli doontaa dhulka Musuqa adduunka”

Si kastaba ha ahaatee, waxaa dalka kusoo kordhaaya mashaariicda saldhiga u ah Musuqa iyo xatooyada.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News