Xog: halistii ugu weyned oo Farmaajo iyo Kheyre uga soo socoto xildhibaano isugu tagay Nairobi

Nairobi (Caasimadda Online) – Xildhibaanada labada aqal ee dowladda Soomaaliya ayaa ku maqan fasax kadib markii lasoo xiray kala fadhiyadii koowaad ee aqalka sare iyo aqalka hoose, waxayna xildhibaanada intooda badan u safreyn dalka dibadiisa oo ay intooda badan ka imaadeen.

Wadanka ugu badan oo ay xildhibaanada labada aqal tageen waa dalka Kenya, gaar ahaan Magaalada Nairobi halkaas oo ay isugu tageen ku dhawaad 100 XIldhibaan oo maalmihii ugu dambeeyey halkaas kulamo isugu imaanayey.

Xildhibaanadaas ayaa kulamo siyaasadeed ka wado Nairobi, waxayna ka wada hadlayaan xaaladda uu dalka marayo, shaqooyinkii lasoo qabtay iyo kuwa la qabanayo, waxayna intooda badan isku raacsan yihiin sidii xukuumadda Kheyre loogu furi lahaa mowjado mucaarad iyo mooshin isugu jiro, waxayna midaas saameyn weyn ku yeelan doontaa Madaxweynaha iyo Ra’iulwasaaraha.

Xildhibaanada ayaa isugu jiro kuwa markii hore taageersanaa Xasan Shiikh iyo kuwa taageersanaa Farmaajo ,waxayna ka wada siman yihiin hal arrin oo ah inuu Madaxweyne Farmaajo uga baxay ballamo badan oo ay wada galeen

Labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa si aad ah looga dareemay Nairobi kulamo iyo olole ay wadeen Xildhibaanada, waxaana kulamada ay ahaayeen kuwo siyaasadeed oo looga arrinsanayo xaalada dalka, waxyaabihii dhacay iyo qorshayaasha soo socda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in isbaheysiga ay wadaan Xildhibaanadan uu ku wajahan yahay sidii Ramadaanka kaddib ama marka dib loo furo kulamada Baarlamaanka ay mucaarado adag ugu furi lahaayeen Xukuumadda, waxaana la sheegayaa in haatan Nairobi ka socdo olole lagu diyaarinayo mooshin ka dhan ah Xukuumadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isulwasaaraha weli kuma baraarugsano xaaladaan cusub ee kasoo wajihi karto xildhibaanada Nairobi isugu tagay , hase ahaatee waxay u baahnaan doontaa farsamo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uga gudbaan turaan-turooyinka ku soo wajahan, waxaana dariiqa kaliya ee looga gudbi karo uu noqon karaa inay kala fur furaan Xildhibaanada,ز

Haddii Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre la imaan waayaan farsamo siyaasadeed oo ay uga gudbaan Xildhibaanadaan, waxaa Soomaaliya mar kale lagu arki doonaa shaqadii lagu aqoon jiray Xildhibaanadii dowladihii hore oo shaqo ka dhigtay inay mucaaradaan dowladda si ay lacag u helaan.

Dowladda Farmaajo ayaa waxaa 100 maalmood ee ugu horeysay uga dhiman muddo 13 berri ah, waxaana looga fadhiyaa Madaxweynaha iyo dowladiisa inay soo bandhigaan waxyaaabihii ay qabteen, inkastoo aysan jirin wax sidaas u buuran oo la qabtay marka laga reebo shaqsiyaad xilal laga qaaday iyo kuwa loo magacaabay.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET