100-kii maalmood ee ugu horeysay dowladda Farmaajo oo kusoo dhamaaday xil ka qaadis iyo magacaabis!

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Madaxweyne Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa la doortay 08 February 2017, waxaana boqolkii maalmood ee ugu horeysay uga harsan muddo 13 berri ah.

Wuxuu Madaxweyne Farmaajo ballan qaaday in 100-ka maalmood ee ugu horeyso uu qaban doono waxyaabo badan iyo horumar uu dalka gaarsiinayo, waxaana is waydiin mudan maadaama hadda ay ka harsan tahay kaliya 13 berri waxa u qabsoomay Farmaajo.

Inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu wado dadaal dheeri ah, haddana waxaa ilaa hadda muuqato inay dowladiisa ka bixi la’dahay xil ka qaadis iyo xil magacaabis, sidaasna ay uga dhammaan rabto boqolii maalmood ee tijaabada u aheyd dowladiisa lagana qiyaas qaadanayey waxa ay qaban doonto afarta sano ee soo socoto:

Dowladda Farmaajo ayaa laga sugayey boqolka maalin ee ugu horeyso waxqabad aad u fiican maadaama dadka ay ka qabeen rajo fiican balse waxaa muuqato inay isku mashquulisay xil ka qaadista mas’uuliyiin hore ula soo shaqeeyey dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud.

Haddii aysan dowladda Farmaajo sida isku dhaamin, waxaa hubaal ah inay ka wax qabad yaraan doonto dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ee sida weyn loo dhaliilay.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso qaar ka tirsan xil ka qaadistii ay sameysay dowladda Farmaajo .

  1. Dhammaan madaxdii ka arrimin jirtay Madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxayna dowladda Farmaajo keensatay shaqsiyaad booskaas uu buuxiyo.
  2. Taliyii Nabad sugidda
  3. Taliyihii ciidamada Xoogga
  4. Taliyihii ciidamada Booliska
  5. Guddoomiyihii Gobolka Banaadir
  6. Maareeyaha Dakadda Muqdisho
  7. Maareeyaha hey’adda Saadaasha hawada
  8. Agaasimhii wasaaradda Warfaafinta
  9. Hanti Dhowrihii qaranka
  10. Shaqaalihii xafiiska furdooyinka Dekadda Muqdisho
  11. Afhayeenkii xukuumadda

iyo xilal kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin, waxaana haboonaan laheyd inaan waqti lagu lumin xil ka qaadis lagu sameeyo dadkii horey u soo shaqeeyey oo qibrad u leh , maadaama dadka cusub ee xilka loo magacaabayo ay u baahanaan doonaan waqti dheeri ah oo ay xafiiska ku fahmaan, macquulna uma noqoneyso inay shaqada kasii wadaan halkii ay mareysay.

Mas’uulka cusub ee xilka loo magacaabo waxaa waqti badan ku qaadan doonto inuu fahmo Xafiiska iyo shaqaalaha, sidaas waxaa waqti uga lumayo Dowladda Farmaajo oo indhaha dhan ay kusoo jeedaan.

Intii xil ka qaadis lagu sameyn lahaa mas’uuliyiintii hore, waxaana fiicnaan laheyd in iyaga lala fadhiisto loona yeeriyo qaabka dowladda cusub u rabto in loola shaqeeyo, markii sidaas la sameeyo qofkii aan shaqadiisa u gudan sida ay dowladda rabto waxaa lagama maarmaan noqon doonto in xilka laga qaado, balse maahan in la dhaho dhammaan dadkii horey usoo shaqeeyey xilka halaga qaado kuwa cusubna hala keeno, maadaama ay taas u muuqaneyso inay tahay nin jecleysi oo aysan aheyn daacadnimo iyo shaqeynta horumarka dalka Soomaaliya.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET