29.5 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Sawirro cusub: Maxaa iska bedelay muuqaalka taallada S.Y.L ee Muqdisho?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib u dayactir lagu bilaabay taalada ururka dhalinyada Soomaaliyeed ee SYL ee kutaala magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Villa Somalia.

Dhismaha taalada ayaa waxaa ku dhiiraday maamulka cusub ee Gobolka Banaadir, waxaa loogu tallo galay in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu Ubax dhigo.

Madaxweynaha dalka ayaa booqan doona Taalada maalinta xuska Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku beegan maalinta Isniinta ah ee 15-ka May.

Taalada ayaa waxaa lagu hardhay Ubaxyo, waxaana gabi ahaan la bedelay muuqaalkii lagu yaqiinay, iyadoo dib loo muujiyay muuqaalkeedii hore.

Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ayaa la filaaa in lagu qabto munaasabado waa weyn oo lagu xusayo munaasabada 15-ka may, waxaana diyaar garowga munaasabdaasi si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo dalka Soomaaliya.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News