Xil ka qaadistii iyo magacaabistii ugu badneyd oo ka dhacday dakadda (Magacyada + Qabiilada)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Maaliyadda ee uu hoggaamiye Cabdiraxmaan Beyle ayaa isbadal ku sameystay 12 xilal oo ka tirsan xafiiska furdooyinka Dekadda  Muqdisho (Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda ee Dakadda Muqdisho), waxaana xilalkaas laga qaaday 12 shaqsi oo horey u hayey.

12 shaqdi ee xilalka loo kala magacaabay ayaa waxay kasoo kala jeedaan beelaha: Abgaal, Gaaljece, Raxanweyne, Murusade, Xawaadle  iyo Harti, iyadoo laga waayey Beesha Habargidir oo markii hore heysay qaar ka tirsan 12 xil ee la badalay.

Beesha Murusade ayaa seddex xil ku yeelatay 12-xil ee lasoo magacaabay midaas oo noqoneyso wax badsi ay wadan beesha uu kasoo jeedo Ra’isulwasaare Kheyre, sidoo kale Beesha Xawaadle ayaa la siiyey laba xil.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso 12 xil ee magacaabay, magacyada shaqsiyaadka loo magacaabay iyo qabiilada ay kasoo kala jeedaan:

Magaca                                           Shaqada                                Beesha 

Axmed Cabdullahi Samow                 Maamule                                 Gaaljecel

Maxamuud Axmed Xasan                   M/le ku xigeen 1-aad               Abgaal

Nadar Tabah Maalin                           M/le ku xigeen 2-aad                Xawaadle

Maxamuud Maxamed Guure              Madaxa Qeybta qiimeynta          Murusade

Maxamed Cabdirisaaq Xuseen            Madaxa qeybta manafeeska      Xawaadle

Saciid Cabdullaahi Ducaale                  Madaxa qeybta Gadiidka          Warsangeli (Daarood)

Salaad Maxamed Cabdi Madaxa          qeybta Export                            Murusade

Axmed Maxamed Ibraahim                 Madaxa qeybta shaqaalaha         Raxan weyne

Xasan Dhicisow Madoobe                     Madaxa qeybta Khasnada          Abgaal

Muuse Rooble Faarax                           Madaxa qeybta Hubinta              Murusade

Saalax Cumar Cabdullaahi                     Madaxa qeybta xisaabaadka       R. Ow Xasan

Cumar Maxamed Barre Madaxa             Qeybta IT                                   Abgaal

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda xilka loogu magacaabay 12 shaqsi ee kasoo baxday wasaaradda Maaliyadda

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET