Xog-warran: DF oo si ramsi ah u billowday in 4.5 lagu qeybsado Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Maaliyadda dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle oo talo wadaag la ah Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyey dhammaan shaqaalihii iyo madaxdii Xafiiska Wasaaradda Maalyadda ee Dakadda Muqdisho, waxaana lasoo magacaabay 12 shaqsi oo cusub.

Haddaba magacaabistii laga sameeyey Dakadda Muqdisho ayaa noqotay mid u eg ama aadba ugu dhow oo hal tallaabo u jirto in lagu qeybsaday 4.5, maadaama marka aad fiiriso qabiilada dadka xilalka loo magacaabay kaliya waxaa ka maqan Beesha Dir oo aan wax xil ah ku yeelan.

Hawiye, Daarood, Raxaweyn iyo Beesha Shanad ayaa geba ahaanba kasoo muuqday liiskaas sida aadba ka arki karto qeybta ugu dambeyso warbixintaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sameysay tallaabadii ugu horeysay oo ay ku tijaabineyso in Muqdisho loo qeybsan karo 4.5 iyo in kale, dhawaan ayey aheyd markii xilalka Gobolka Banaadir loo qeybiyey qaab u eg 4.5, haddana waxaa la qaaday tallaabadii labaad oo Dakadda Muqdisho laga dhigayo inay tahay meel ka dhaxeyso beelaha Soomaaliyeed oo dhan.

Waxaa is waydiin mudan waxa beelaha Daarood, Beesha Shanaad, DIgil iyo Mirifle ka galay Dakada Muqdisho oo si cad loo ogyahay cidda iska leh deegaan ahaan, iyadoo laga warqabo in Dakadaha iyo Diyaradaha ku yaal deegaanada Beelahaan aanan loo qeybsan qaabka 4.5.

Dakadaha ku yaal meelaha ay dagaan beelahaan ayeysan jirin cid hal xil ka heyso oo beel kale kasoo jeedo, marka waxaa is waydiin mudan caqliga lagu keenay in Dakadda Muqdisho xil laga siiyo Dakadahoodana ay iyaga kaligood isku koobaan.

Dhawaan ayey aheyd markii Xogyhayaha Gobolka Banaadir laga dhigay nin kasoo jeedo Beesha Raxanweyn, waxaana markii tallaabadaas meel martay la isku dayi rabaa in Gobolka Banaadir laga dhigo meel dadka dhan ka dhaxeyso.

Waxaa hadda soo socoto in la dhaho Degmooyinka Gobolka Banaadir haloo qeybsado 4.5, waxayna midaas dhallin doontaa dagaal qabiileed mar kale dib u bilowdo haddi aysan dowladda Soomaaliya ka fiirsan tallaabooyinka ay u qaadeyso xilalka laga qabanayo Muqdisho.

Markii loo doodi waayey maqaamka Muqdisho, waxaan dhacayo iyo kuwa soo socdaba waxay aheyd wax la filayey, waxaana dhibaatadaan looga gudbi karaa in lasoo celiyo Maqaamkii Gobolka Banaadir

Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay Dakadaha Soomaaliya oo dhan loo qeybsado 4.5 ama faraha lagala baxo Dakadda Muqdisho, wax ka dhaxeeyo malahan in si guud loo qaato 4.5 ama laga wada tago.

Hakaan hoose ka aqriso xilalkii maanta la magacaabay

Magaca                                           Shaqada                                Beesha 

Axmed Cabdullahi Samow                 Maamule                                 Gaaljecel

Maxamuud Axmed Xasan                   M/le ku xigeen 1-aad               Abgaal

Nadar Tabah Maalin                           M/le ku xigeen 2-aad                Xawaadle

Maxamuud Maxamed Guure              Madaxa Qeybta qiimeynta          Murusade

Maxamed Cabdirisaaq Xuseen            Madaxa qeybta manafeeska      Xawaadle

Saciid Cabdullaahi Ducaale                  Madaxa qeybta Gadiidka          Warsangeli (Daarood)

Salaad Maxamed Cabdi Madaxa          qeybta Export                            Murusade

Axmed Maxamed Ibraahim                 Madaxa qeybta shaqaalaha         Raxan weyne

Xasan Dhicisow Madoobe                     Madaxa qeybta Khasnada          Abgaal

Muuse Rooble Faarax                           Madaxa qeybta Hubinta              Murusade

Saalax Cumar Cabdullaahi                     Madaxa qeybta xisaabaadka       R. Ow Xasan

Cumar Maxamed Barre Madaxa             Qeybta IT                                   Abgaal

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda xilka loogu magacaabay 12 shaqsi ee kasoo baxday wasaaradda Maaliyadda

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET