Document: Ahlu Sunna oo beenisay inay xilkii ka qaaday taliyaha guud iyo xilal kala oo la magacaabay

Maamulka Ahlu Sunna ayaa soo saartay digreetooyin kala duwan oo xilal loogu magacaabay Taliyaha 21-aad ee ciidamada, Taliyaha Saadka, Laanta Socdaalka Jinsiyadaha dalacsiin saraakiil.

Xilalka ay Ahlu Sunna magacabowday ayaa kala ah:

  1. G/ sare Maxamed Aadan Macalin Axmed oo loo magacaabay Taliyaha qeybta 21-aad
  2. G/Sare Gurey Daahir Daa’uud oo loo magacaabay Taliye ku xigeen
  3. G/Sare Xasan Xuseen Faarax oo loo magacaabay Taliyaha Saadka
  4. G/dhexe Axmed Faarax Maxamed oo loo magacaabay Taliyaha Gaadiid qeybta 21-aad
  5. G/ Dhexe  Cali. Sh. Xasan Xersi oo loo magacaabay Taliyaha ururka 1-aad ee qeybta 21-aad
  6. G/Dhexe  Axmed Dabeyle C/lle oo loo magacaabay Taliyaha horinta koowaad

Sidoo kale waxaa taliyayaal loo magacaabay Taliska Ciidanka Biradka, socdaalka Jinsiyadaha iyo maamulka Garoonka Magaalada Guriceel.

Waxaa been noqotay warar ay faafiyeen qaar ka tirsan websideyada Soomaaliya iyo idaacado kuwaas oo sheegay in Taliyaha Guud ee Ciidamada Ahlu Sunna xilkii laga qaaday, waxayna arrintaas noqotay mid wax kama jiraan ah, taas badalkeeda Ahlu Sunna Dalacaad ayeyba u sameysay Taliyaha Guud ee Ciidamda Ahlu Sunna Macalin Mascuud Maxamed Warsame, waxaana la gaarsiiyey heerka Generaal.

Ahlu Sunna kama aysan soo bixin waraaq xilka looga qaaday Taliyaha Guud ee Ciidamada, balse waxaa la magacaabay xilal banaanaa oo loo sameeyey dad qabto sida taliyayaasha hoose ee ciidamada, Gaddiid iyo saadka.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso dhammaan waraaqaha kasoo baxay Ahlu Sunna ee xilalkaas lagu magacaabay, waxayna Ahlu Sunna wax kama jiraan ku tilmaamtay inuu khilaaf ka dhashay magacaabista iyo xil ka qaadista maanta uu soo saaray Maamulka Goboldada dhexe ee Ahlu Sunna oo uu calanka u hayo Sheekh Maxamed Shaakir.