Xog: Wasiir Goodax Barre oo wajahaya xil ka-qaadis

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa wajahaya cadaadis xoog leh oo kaga imaanaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya gaar ahaan xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ilo-wareedyo ku dhow wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Caasimada Online u sheegaya in wasiirka uu wajahayo cadaadis aan yareyn iyo su’aalo badan oo ay weydiinayaan Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirka ayaa waxaa heesta eedeymo waa-wayn oo gaf ah islamarkaana ay soo gudbiyeen mas’uuliyiin katirsan maamulka Puntland. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa dalbaday in xilka laga qaado Wasiir Goodax oo ay sheegayn in aysan la shaqayn karin islamarkaana uu u gafay 2 jeer bil gudaheed.

Laba jeer ayaa looga yeeray xafiisyada Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha, waxaana la-waydiiyay halka uu ka keenay fashilka ku yimid imtixaanka Puntland waxa uuna u sheegay in uu helay xog qaldan. Xukuumaddaa Soomaaliya ayaa ku amartay wasiirka in uu raali gelin ka bixiyo hadalkii ahaa “waa fashilmay imtixaanka Puntland” taas oo sababtay in uu raali gelin deg deg ah bixiyo.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dhowaan xilka laga qaadi doono wasiirka waxbarashada Soomaaliya. Xil ka qaadista ayaa la filayaa in lagu aadiyo markii uu soo dhamaado imtixaanka, sidoo kale waxaa laga yaabaa in lagu aadiyo markii uu ku dhawaaqo natiijada imtixaanka la qaadi doono 27-ka bishaan.

Wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta Sare ee Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa sidaan oo kale la aaminsan-yahay in uu sababsaday hadal uu jeediyay oo ku saabsanaa tayada waxbarashada Soomaaliya waxaana la filayaa in Wasiir Goodax-ne uu sababsado hadaladii uu jeediyay ee ku aadanaa Puntland iyo qal-qalka ka jira imtixaanka Soomaaliya ee sanad dugsiyeedka 2018-2019.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com