Kenya oo xildhibaanada iyo wasiirada Soomaaliya ka joojisay Visa-ha dalkaas

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa sare u qaadday cadaadiska ay ku hayso dowladda Soomaaliya ayada oo diiday in mas’uuliyiinta Soomaaliya ay dalkeeda soo galaan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta garoonka Jomo Kenyatta International ee magaalada Nairobi ay wasiirada iyo xildhibaanada Soomaalida ah u diideen Visaha dalkaas.

Mas’uuliyiinta Soomaalida ah ee wata basaaboorada service-ka ama diblomaasiga ayaa hore loo siin jirey dal-ku-galka waddaankaas, marka ay ka degaan garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi (Visa on Arrival).

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah wasiirada xukuumadda Soomaaliya maanta loo diiday inuu ka qaato dalku-galka ama viisaha garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi, markii uu yimid, sidii horey u dhici jirtay.

Wasiirka loo diiday dal-ku-galka Kenya ayaa markii uu arrintan qasabtay waxa uu isticmaalay baasaboor shisheeye ah oo uu watay, taasoo markii dambe loo oggolaaday in uu galo magaalada Nairobi.

Go’aankan yaabka leh, ee ay qaadatay dowlada Kenya, ayaa saameyn ku yeelan kara boqolaal xildhibaano iyo wasiiro Soomaaliyeed ah, oo hore garoomada diyaaradaha dalka Kenya uga heli jiray Visa-ha dalkaas marka ay yimaadaan,, taasi oo sahli jirtay in mas’uuliyiinta Soomaalida ay xiliga ay doonaan u safraan Nairobi, oo qaarkood xarunba u ahayd, oo inta badan au degan yihiin.

Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaan wax jawaab ah ka bixin go’aanka dowladda Kenya.

Dhowaan ayaa dowlada Kenya waxa ay dib u soo celisay go’aankeedii hore ahaa in aysan diyaaradii ka soo duusho dalka Soomaaliya aysan toos uga soo deign magaalada Nairobi ayna soo marto magaalada Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya.

Dowladda Kenya ayaa xaalad naf la caari ah mareysa iminka, xilli ay aad usoo dhowaatay ku dhowaaqista natiijada laga sugaayay Maxkamada Caalamiga ah ee ku saabsan khilaafka Badda ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana Kenya ay u muuqataa mid fileyso guul-darro.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com